Yuhuuda Oo Duqayn Ka Gaysatay Magalada Qaza

0
706

Yuhuuda Oo Duqayn Ka Gaysatay Magalada Qaza

 

Israaa’iil ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay goobo ay leeyihiin garabka hubaysan ee Xamaas iyaga oo ka aar goosanaya gantaallo lagu soo riday.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay subaxnimadii hore ee Sabtida duqeeyeen goob hubka lagu sameeyo iyo bakhaar rasaasta lagu kaydiyo

Gantaallada ayaa Israa’iil lagaga soo riday dhanka Qaza mid ka mid ahna wuxuu ku dhacay magaalada koonfurta ku taalla ee Sderot.

Xiisadda ka dhex taagan Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ayaa sare u kacay tan iyo markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

Go’aaankaas uu Arbacadii gaaray ayuu kaga baxay siyaasad uu Maraykanku dhexdhexaad kaga ahaa arrintan muddo tobannaan sano ah.

Israa’iil ayaa waligeed u aragta Qudus in ay caasimaddeeda tahay, halka Falastiiniyiintyna ay ka sheegtaan in Bariga Qudus oo ay Israa’iil ku qabsatay dagaalkii 1967dii in ay tahay caasimadda dawlada ay mustaqbalka yeelan doonaan.

Waxyaabihii u dambeeyay ee xaaladdan ka soo kordhay

  • Labo ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa dhintay ka dib markii ciidammada Israa’iil ay rasaas ku fureen dad isugu soo baxay magaalada Qaza markii ay socdeen isku dhacyadii Jimcihii.
  • Israa’iil waxay sheegtay in ay joojisay gantaal, mid kalana waxaa laga helay dhul bannaan, halka mid kalana uu ku dhacay Sderot ammin dambe oo Jimcihii ah, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo uu gaystay.
  • Ciidammada cirka ee Israa’iil ayaa weerarro dhawr ah ku qaaday goobo ay Xamaas leedahay, wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiintuna waxay sheegtay in ay ku dhaawacmeen 25 ruux.
  • Weerarro dheeri ah oo xagga cirka ahna waxay mar kale fulisay saacadihii hore ee Sabtida, ka dib markii uu gantaalku ku dhacay Sderot. Ilaa iyo hadda ma cadda inta ay la egtahay khasaaraha ka dhashay weerarradaas.

Subaxnimadii hore ee Jimcaha Fatxi Hammad oo ah masuul sare oo Xamaas ka tirsan ayaa sheegay in ruux kaste oo doonaya in uu Qudus u raro safaaraddiisa uu yahay caddawga Falastiiniyiinta.

Safiiradda Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa iyaduna Jimcihii kulanka Qaramada Midoobay ka sheegtay in Maraykanku “uu aqoonsanayo waxa caadiga ah oo ah in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil”.

Waxay sheegtay in Maraykanka uu sii wadayo “ka go’naanshaha in xal waara la gaaro”, Qaramada Midoobayna waxay ku eedeeysay in aysan dhexdhexaad ahayn, waxayna sheegtay “in ay tahay xarrunta hogaaminaysa saaxiibtino la’aanta Israa’iil ka dhanka ah, arrintaas oo ah mid laga caroodo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here