Sidaynu wada ognahay in muddo ahba waxaa Suuqyada Magaalada Hargeysa Gaar ahaan Suuqa Hoose ka socday khayr balaadhan oo Codbaahiyeyaal(Makarafoono) ay ka baxayeen Muxaadarooyin kala duwan oo ay soo jeedin jireen Culimadeena waaweyn ee hormoodka inoogu ah diinteena suuban, wacdiyadaa diiniga ah oo xambaarsanaa dhinacyo badan oo noloosheena la xidhiidha kuna salaysnaa Waxyiga Alle(SW) iyo Sunnada Rasuulkeenii Suubanaa ( SCW).
Faa’idada laga helay Cod-baahiyayashaa aynu xusnay damintooda ka hor:-
- Dad badan oo Salaada ka tegay oo Illaahay sabab uga dhigay inay salaada dib u bilaabaan
- Dad badan oo tukan jirey oo Cilmi Sharci ahaan wax badan ka dhinaa oo ka bartay Axkaamta sharciga salaada iyo cibaadooyinka kale ee Alle(SW) inagu waajibiyey
- Dad badan oo akhlaaqiyaad koodu xumaa oo ay ka mid ahaayeen aflagaadada, muqadisaadka ,beenta ,tuugada iyo dhamaan wixii akhlaaqdoodu baydhsanaa oo marka loogu celceliyo ku waantoobay
- Dad badan oo wanaagsanaa oo Hanuun iyo Imaan uu u kordhiyey oo qof kasta oo la jaar ah oo aad weydiisaba uu qiiroonayo.
Sidaad darted, waxaa dhacday in makarafoonadii iyo xadhki hiiba la jarjaray oo shalay oo ay taariikhdu ahayd 29/03/2016 loogu soo toosay iyada oo ficilkaa lagula kacay agabkii codbaahiyayaasha. Diyaar gareynta qalabkan waxaa hore isugu xilqaamay Muxsiniin ganacsato ah oo maalkooda u horey hawshaa khayriga ah.
Gabagabadii ; waxaan leeyahay, Yaa Ka Dambeeyey Daminta Cod-baahiyeyaashii Dacwada Diinteena ee Suuqyada Hargeysa?
Wabillahi Tawfiq
Cabdirasaaq Askar
Hargeysa,Somaliland