“Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane,
Gebgebteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye,
Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye,
Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye,
Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye,
Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda,’’
Gud-gude, Hadraawi, 1990kii
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Qormada: 6aad
15/10/2015ka, Hargeysa,
Waxa kale oo uu Aaadan Tarabbi maalintaa yidhi:
“Faqasheey ba’aa,
Iyo balanbalkaa,
Boqollaal Lixlaa,
Kugu soo baxsaday,”
Ma cid baa barooratay. Ma cid baa hengel qaadday. Sow tii Hadraawi Daalalleydii ku lahaa:
“Dugey yeedhi meysoo,
Hengel waa la daayee,
Ha mashxarado dumarkuye,
Del-delaadda boqol boqol,
Kala daran isugu xidha,”
In kasta oo Mujaahid kastaaba qiimihiisa iyo qaddarintiisaba lahaa, waxa xusuus gaar ah igu lahaa Shahiid Ismaaciil Maxamed Guuleed oo loo yaqaannay Iraad, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Wuxu ahaa nin weyn oo qurbaawiya oo dibadaha uga soo noqday ciilkii iyo cadhadii uu u qabay nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre, halgankuna ka dhab ahaa. Xilli aan ku noolaa Xaruntii SNM ee Awaare oo Dugsigii Tababarkuna ku yaallay ayuu aroortii na faylin jiray. Waxaan xusuustaa kaftankiisii iyo maaddiisii. Af-Ingiriisi iyo af Soomaali ayuu isku dari jiray aad loogu qosli jiray.
Mujaahid Cabdi-shanaad oo ka warramayay Mujaahid Xaammud oo ay iska ag dagaallamayeen ayaa is-na igu yidhi:
“Meel aan iga fogayn oo ii muuqata ayuu ka dagaallamayay Xaamud. Laba Mujaahid oo dhufayska kula jiray ayay xabbaddii qaadatay oo dhintay. Wuxu soo jiitay labadoodii qori oo kala ahaa AK-47 iyo qori BKM ah. Isaguna wuxu sitay RBJ/7. Intiiba wuu ku dagaallamay. Markii danbe ayaa Beebee ku soo baxsaday. Xabbaddii ugu danbaysay ee sebenka ahayd ayuu ku riday. Waa ay ka dano-kacday. Beebbeegii ayaa bakhtiyay markii xabbaddii sebenka ahayd ku dhacday. Ridihii Beebbeega ayaa daboolka sare iska qaaday oo Xaamud madaxa ka toogtay. Inta aan gurguurtay ayaan ka soo dul qaaday: Qoryihii Sebenka, BKM-ka iyo Ak-ga kala ahaa. Waxaan dhexdiisa ka soo furay bastoolad dhabanno-cas ahayd oo gal maas ah oo cas oo kii Ruushka ah ku jirtay. Intii iyo qorigaygii ayaan ciidankii SNM ula galay.”
Baastooladdii Xaamud iyo galkii casaa ee maaska ahaa ayaa xusuus kale igu dhaliyay. 1984kii annaga oo wada joognay Awaare ayuu arkay aniga oo baastoolad dhabanno-cas ah ku sitay galkaa maaska ahaa ee maalintaa uu dhintay laga soo furay. Isaguna baastoolad tayda oo kale ah oo gal maas madow ah oo yar oo qurux badnaa ku jirtay ayuu sitay. Wuxu igu yidhi oo igu qanciyay in aanu labada gal kala beddelanno. Anna sidaa waan jeclaa oo kaan sitay wuu igu cuslaa oo dalka Ruushka ayaa lagu sameeyay, kiisa uu isagu sitayna kabo-tolaheenna ayaa sameeyay oo maas madow ayuu ahaa. Sidaas ayaanu ku kala beddelannay oo is-na kaygii u qaatay anna kiisii u qaatay. Xusuustaas ayuu galkaasina igu lahaa.
Si aan idiin ku soo gudbiyo maalintaa iyo mahadhooyinkii ay reebtay, waxaan dib u miliilicay Xusuus-qorkaygii 1984kii, gaar ahaan maalintaa taariikhiga ahayd ee 17kii Oktoobar oo ahayd maalin Arabacaad, ku beegnayd 22kii Muxarram, sannadkii Hijriyada ee 1405kii, waxaana ku qornaa laba qormo oo aan qoray 18kii Oktoobar subaxnimadii oo midi Ingiriisi ahayd midna af Soomaali oo kala ahaa:
“The old witty women told me about shots around our camp. I met Daakir at the gate who told me about the murder on the night before of Abdirahman Aidiid and Iikar Mohamed Husein. Abdi Muhumed Amin was wounded too. I was shocked. Thursday 18kii Oktoobar ayaa la ii sheegay.”
Haddii aan si kooban idiin ku tarjumo, waxay noqonaysaa:
”Islaantii wax-garadka ahayd ayaa ii sheegtay xabbado iyo rasaas ka dhacaysay Kaamkii aanu degganayn. Daakir oo aan kadinka kula kulmay ayaa ii sheegay dilkii xalay ee Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar Maxamed Xuseen. Cabdi Muxumed Amiinna waa la dhaawacay. Waan ka naxay. Waxa warka la i siiyay 18/10/1984kii.”
Waa subaxnimadii 18kii Oktoobar 1984kii oo aan ku kallahayay Xaruntii SNM ee Diri-dhabe. Islaantan aan sheegayaa makhaayad yar oo aanu ka quraacan jirnay ayay ku haysatay meel xafiiska ka sokeysay. Labada nin ee la dilay waxay ka tirsanaayeen Jabhaddii SSDF-ta.
Aan dib ugu noqdo xusuus-qorkaygii iyo 18kii Oktoobar 1984kii oo aan Diri-dhabe ku sugnaa. Qodobka labaad ee maalintaa ku xardhanaa wuxu ahaa:
”Galabnimadii hore ayaa dagaal ku dhex maray cadaw weerar ah iyo Mujaahidiinta SNM meel la yidhaado Kaam-xabashi oo ay degganaayeen ciidammadii SNM ee Awaare tababarka ku soo dhammaystay. Tiro soddon ku dhow (27) ayaa laga dilay SNM waxaana laga dhaawacay ilaa 26 in u dhow. Cadawga qalab gaadiid iyo Beebbeeyo u badan ayaa laga burburiyay, waxaana laga dilay in 150 ka badan. Cadawga saraakiishii laga dilay waxa ka mid ahaa kii hawl-gelinta. SNM mujaahidiinta ka shahiidday waxa ka mid ahaa: Lixle, Xaammud iyo Iraad. 18ka in ay gudaha galaan ayay ahayd. Cabdikariim ayaa aad loo ammaanayay.”
Berigaa tilifoonnadu ma aawanayn oo lamaba adeegsan jirin. Waa ay adkayd sida ay baahidiisu kuu qabataa. Haddii laga tegi waayo Addis Ababa marka Idaacadda waraka loo dirayo iyo mararka dibadaha lala hadlayo ayaa ugu badnaynd. Dibadaha dadku lama wada hadli jirin ee in naga mid ah ayaa inta badan qandaraaskaa haysatay oo baryada iyo xaalad-abuurka ku qalin-jebisay.
(La soco maalinta Sabtida, haddii Eebbe idmo)