Xukuumadda Somaliland Oo Bilowday Qorshe Hayadaha Ku Qasbaya In Aanay Dalka Ka Fulin Mashaariic Ay Iyagu Soo Allifteen

0
784

Xukuumadda Somaliland Oo Bilowday Qorshe Hayadaha Ku Qasbaya In Aanay Dalka Ka Fulin Mashaariic Ay Iyagu Soo Allifteen

 

Hargeysa(Halsan):- Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelinta Somaliland, ayaa Awaamiir culus ku soo rogtay Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa  Maxaliga ah ee ay wada-shaqaynta leeyihiin.

 

Kulan Madaxda sare ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelintu  ay  layeesheen Madax ka socotay Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee Wasaaradda wada-shaqayntu ka dhaxayso, ayaa waxa Hay’adaha lagu War-geliyey  awaamiir culus oo la xidhiidha habka ay Wasaaraddu doonayso inay ula shaqeeyaan  Hay’aduhu.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelinta Somaliland  Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) oo hadal ka jeediyey kulankaasi oo hal maalin qaatay,  ayaa waxa uu u digay Hay’aduhu inay baal-maraan nidaamka cusub ee


wasaaraddu  doonayso in Hay’aduhu ula shaqeeyaan “Waxaanu annagu doonayno ma nagala  shaqaynaysaan, mise waxaad idinku doonaysaan oo Xagga sare laga keenay baad rabtaan  inaad nagala shaqaysaan..”ayuu yidhi, Agaasime Ilka-casse, waxaanu intaa ku daray  “Maaddaama oo Wasaaraddii dib u habayn lagu sameeyay, sidii hore ee aynu u wada  shaqayn jirnay uma wada shaqaynayno gebi ahaanba, diwaan-baad Wasaaradda ku  yeelanaysaa, waxaad qabanayso ayaa la garanayaa, halkaad ka shaqayso ayaa la  garanayaa, haddii kale annaga nalama shaqaynaysid, imikaba hala wada maqlo, hadhow  Hay’ad baa Shaqada laga joojiyey iyo wax baa la yidhi waa waxa hadhow ergada laga  galo.”

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay  in markii uu ahaa Agaasimaha Wasaaradda Beeraha ay shaqada ka joojiyeen Hay’ado  “Berigii dhawayd Wasiirka Beeraha si wanaagsan ayaanu u wada shaqaynay oo Hay’ado  badan ayaanu shaqada ka joojinay markii aanu baadhnay ka dib..” ayuu yidhi, waxaanu  intaa sii raaciyey in Hay’adaha aanay kala saarayn “Annagu uma kala saaranayo  Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah, waayo? Wasaarad ahaan xaq-baanu u  leenahay Cidda nala shaqaysa waxay qabanaysaa inay Cadaato, waxay ka  haqaynaysaana Cadaato, Cidda aan sidaa noola shaqaynayna aanu ku nidhaahno nalama  shaqaysaba…”