Hargeysa(Halsan):-Xukuumadda Somaliland ayaa shalay Xabsiga kasii daysay laba wariye oo todobaadkan lagu xidhay amar kasoo baxay Xeer ilaaliyaha guud Xasan Axmed Aadan, Wariyaashan ayaa la sheegay in damaanad lagusoo daayey, isla markaana kiiskooda dibada lagu dhameyn doono. Wariyaashan oo kala ahaa Milkiilihii Wargeyska Madaxa-banaan ee Hubsad Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Tafaftirihii Wageyska Siciid Khadar Cabdilahi ayaa sifo sharciga baal marsan xoriyadooda looga qaaday dhowaan.
Hase-yeeshee Xeer ilaaliyaha guud ayaa isaaagu si cadaan ah dhabarka ugu jeediyey dariiqa sharci, waxanu Masuuliyiinta ku war geliyey sida la sheegay in aanay Iibsan karin Wargeys isla markaana aanay mid cusubna furan karin.
Madaxyooyadda iyo xubno kamid ah Suxufiyiinta ay Ood wadaagta yihiin ayaa maalinimadii shalay iska kaashay sii daynta Wariyaasha, waxana dibeda lagu keenay Damaanad, Wariyaashan ka dhigaysaa kuwo aan xidhnayn, xoriyad buuxdana aan weli helin. Si kastaba ha haatee, waxa wariyaashan afarta caano maal xabsiga xaqdarada ugu jiray, waxa xadhooda si weyn u cambaareyey Suxufiyiinta kala duwan ee ka kala hawl-gala Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland iyo sidoo kale, Ururka Suxufiyiinta Secja oo ka hawl galaa, gobolada bari ee Somaliland.