Xukuumadda Siilaanyo 5 Sanno ee ay Jirtay Awoodeedii Waxay Dul Dhigtay Boobka,Musuqa iyo Deegaameynta Berbera.

0
590

Tan iyo markii uu Siilaanyo qabtay xilka madaxweynenimo ee Somaliland wuxuu awoodisii ku eekaysiiyey gobolka Saaxil,iyadoo markii 5 bilood oo kaliya uu hayey isku dayey in Shirkad Beesha Siilaanyo ah u Xidho Warshadii Sibidhka ee Berbera,arintaasi oo dhalisay buuq iyo xamaasad isla markaana reer berbera ku gacansaydheen qorshihii guracnaa ee maamulka Siilaanyo wakhtigaasi doonayey in uu ku naas-nuujiyo shirkadahooda,kadib wuxuu isku qaaday Siilaanyo markii arintaasi u suurto geli wayday in dhulka muhiimka ah ee berbera ku yaalo badhna uu qaato badhna uu xayiro,iyadoo wax badani uga suurta galay,laakiin waa wax qoran oo lagaga daba iman doono,waxa kale oo siilaanyo iibiyey warshadii laydhka berbera,wuxuu isku dayey in shaqaale badan oo ay isku beel yihiin qoro dekeda,haamaha iyo ilaha kale ee dhaqaalaha wuuna ku guulaystay oo sifo sharci daro ah ayuu shaqaale tiro badan oo beeshiisa ah ku qoray,waana wax la og yahay oo lagaga daba iman doono isla markaana lala xisaabtami doono.
Boobku inta kumuu joogsan ee ilaa maanta wuu socdaa oo Haamihii iyo Dekedii ayuu doonayaa in uu iibiyo oo macaash badan uu ka helo isaga iyo wiilka inanta ka qaba ee Moorgan,waa boob cadaan ah,waa musuq cadaan ah oo Daahir yaashamis ah,waa xukun qorqoosh ku dhisan boobka hantida umadda,qabyaalad,musuq-maasuq,eex,qaraabo kiil ,cadaalad xumo iyo nin jeclaysi.
Hadaba reer berbera oo culays awoodooda ka baxsan 5 sanno uu saarnaa ayaa waxa la marayaa laxtatu akhiir ee reer berberow digtoonaada mar kasta oo iska ilaaliya boobka Siilaanyo ka wada gobolkiina,meel uga soo wada jeesta gudaha iyo dibadaba,iskugu yimaada shirar deg deg ah ooo arinmahan socda aad kaga tashanaysaan?
Cilmi baadhis ku sameeya wixii dhacay 5 sanno ee maamulka siilaanyo,wixii uu hanta dhacay ee iskugu jirtay dhul boob,musuq,deegaameyn sharci daro ah, iyo guud ahaanba wixii uu ka sameeyey gobolkiina Saaxil ka sameeya cilmi baadhis deg deg ah oo si looga daba tago isla markaana wax khalad ahi u dhicin,laguna xisaabtamo.
Jama Muse Nuur
Email:jama321@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here