Xukuumadda Oo Xidh-xidhay Xabsigana u Taxaabtay Afar Ka Tirsan Kooxda Xidigaha Geeska

0
702

Hargaysa(Halsan):-Warar hadda soo gaadhaya Xafiiska Shabakadda Wararka Oodweyne ee Magaaladda Hargaysa,ayaa sheegaya in qaar ka tirsan Kooxda Fanka caanka ku ah ee Xidigaha Geeska maanta lagu xidhay Magaaladda Hargaysa,ka dib markii ay kasoo laabteen Safar ay ugu maqnaayeen Magaalooyinka Nayroobi Iyo Muqdisho.

Wararka waxay intaas ku darayaan in ka dib markii ay kasoo degeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Hargaysa ay ciidanka Amaanku ku qaadeen qaar ka tirsan Baabuurta Booliska,ka dibna loo dhaadhciyay Xarunta CID-da ee Magaaladda Hargaysa.

Fanaaniintan ayaa kala ah Cabdiraxmaan Oday,Xamda Queen,Nimcaan Hilaac Iyo Maxamed-Cirro.

Ilaa hadda ma jirto Cid ka hadashay Xadhiga Fanaaniinta.