Xukuumadda Oo Mucaaradka Ugu Baaqday Inay Ka Qayb Galaan Wada Hadal Guurtida Lala Galayo, Kana Digtay Shir Mucaaradku Gaar U Qabsado

0
741

Xukuumadda Oo Mucaaradka Ugu Baaqday Inay Ka Qayb Galaan Wada Hadal Guurtida Lala Galayo, Kana Digtay Shir Mucaaradku Gaar U Qabsado

Hargeysa(halsan)-Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa isbahaysiga Mucaaradka ugu baaqday shir lagula xaajoonayo guurtida Somaliland si loogu qanciyo heshiiskii Mucaaradka iyo xukumadda, waxaana mucaaradka looga digay shir kaas ka duwan oo ay qabsadaan.

Waiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde, oo saxaafadda kula hadlay xarunta wasaaraddiisa ayaa iclaamiyay wada hadalka lala galayo guurtida “Waxaa la bilaabayaa hawshii qabyada ahayd ee ahayd sidii guurtida loola xaajoon lahaa, sidii la iskugu qancin lahaa heshiiska asxaabta iyo dawladdu ay galeen, in laga wada hadlo oo la isku soo fadhiisto sidii loo dhammayn lahaa wixii ka dhiman hawsha doorashooyinka” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa Mucaaradka uga digay shir ay hore u iclaamiyeen “Halkan waxaan ka caddaynayaa inaanu jirin shir qarameed kale oo sharcigu jideeyay oo dalkan laga qaban karaa.waxaan ugu baaqayaa asxaabta mucaaradka, shir kale jiri maayo oo la kala shiraaye, kaas jira eearrintaas lagu lafo gurayo ee lagu sharciyaynayo ayaanu ugu baaqaynaa inay ka soo qayb galaan, si loo helo nidaam loo dhan yahay oo lagu gaadho wakhtiga doorashada” ayuu yidhi Wasiirka daakhiligu.

Dhinaca kale Wasiir Warancadde, waxa uu eedeeyay mucaaradka oo uu tilmaamay inay heshiiska ka baxeen “Maadaama aynu hayno saxeexii, ogolaanshihii iyo aqbalaadii guddoomiyeyaasha mucaaradka, waxaan is waydiinayaa waa ayo cidda ku kaliftay guddoomiyeyaasha mucaaradka inay si badheedh ah uga noqdaan heshiiska, iyagoo leh 27-ka July wax lagu heshiiyay ma jiro, cida ku khasabtay ayaan la yaabanay cida ay tahay” ayuu yidhi Warancadde.

Bishii May ee la soo dhaafay ayay saddexda guddoomiye Xisbi ee Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe iyo waliba Madaxweyne xigeenka Somaliland waxay qalinka ku duugeen heshiis nuxurkiisu yahay in laga noqdo muddo kordhintii guurtidu samaysay ee ahayd in doorashada la qabto bisha March 2017, taa badalkeedana wakhtiga doorashada laga dhigo December 2016. Heshiiskaasi waxaa ganafka ku dhuftay Guurtida.
Mucaaradka ayaa dhawaan xukumadda ku eedeeyay inay heshiiska ka baxday maadaama aanay ilaa hadda dhaqan galin sidaas darteedna aanay xukumadda aqoonsan doonin wixii ka dambeeya July 27 oo ku beegan wakhtigii madaxweyne siilaanyo xilka la wareegay, haddana uu muddo xileedkii la doortay kaga eeg yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here