Xukuumadda kulmiye ma waxey dib innogu celineysa waqtigi Xisbiga Hantiwadaaga kacaanka Somaaliyeed (XHKS)

0
663

Xukuumadda kulmiye ma waxey dib innogu celineysa waqtigi Xisbiga
Hantiwadaaga kacaanka Somaaliyeed (XHKS) .

Xukuumadda kulmiye waxay beryahan ba wiqeysey ama isku dayesey iney meeshaba gebi
ahaan ba ka saarto tiirarki nidaamka dimuqraadiga ee Somaliland kuso caano maashayj
muddadi 24 sannadood ee ay jirtey si keligeed saaxadda siyaasadda ugu jirto.Haddaan
tusaalooyin soo qaato waxey ka bilaabantey doorashooyinki ururada siyaasadda ee qabsoontey
2012 taaso aynu ka wada dharagsanahey maamul xumada iyo isdaba marinta ka dhacdey iney
sababtay cabashooyin iyo mudaharaado lagu diidan yahey natiijada ka dhalatey
doorashooyinkaas oo geyeeysisay S/L iney marki ugu horeysey ka dhacdo doorasho dhiig ku
daato, nabadgelyaduna khatar gasho.Waxa ku xigtey weerarki ay xukuumadda kulmiye ku
qaadey saxaafadda iyo saxafiinta madax bannaan si aanu shacabka S/L uu ogaan cadaalad
darrada iyo boobka hantida ummadda lagu hayo iyo shirqooladda siyaasiga ah ee S/L loo
maleegayo sida wada hadalada S/L iyo Somalia ee Turkigu qab qable ka yahey .Waxaaney
xidhey saxafiin badan,( Somaalidu waxey tidhaahda ‘’maxa meyd uu danbeyeey iyo kaa iminka
la sii sido’’waxa si sharci darro ah shalay la soo xidhey labada wariye oo kala ah Cabdirashiid
Nuur Wacays iyo Siciid Khadar Cabdillaahi) iyo warbaahin badan oo ilaa maanta qaarkood
albaabadu uu laaban yihin sida Somaliland Times iyo Haatuf.Waxey gaashaanka ku dhufatey
sharcigi ay golaha wakiiladu soo saareen ee ay ku xaaraantimeyeen in cid gaar ah oo
madaxtooyadu wadato lagu wareejiyo haamaha shidaalka berbera.Waxa hubaal ah, si loo helo
dimuqraadiyad caafimaad qabta waxa laga marmaan ah in dimuqraadiyadu ka hana qaado
axsaabta dhexdooda haddey tahey go’an qaadasho,doorasho ama wim.Waxeynu ogsoonahey
doorshadi guddoomiyaha xisbiga kulmiye in la diidey in Muse Bixi cidi la tartanto .waxa kalo
jirtey in musharaxnimada madaxweyne ee xisbiga kulmiye in muse Bixi kaligi tartamay marki
musharaxiinti kale loo joojin waayey cabashooyinkoodi ay ka mujiyeen qaabka loo wado shirka
golaha dhexe kuna tilmaameen afduub dhagareysan .Haddaba waxeynu iminkana maqleyna in
xukuumadda kulmiye uu gudubtey axsaabti mucaaridka oo kharash badan ku bixineyso si ay uu
reebto musharaxinta madaxweyne ee ay isku haybta yihin Muse Bixi. .
Alla mahad leh,
Eng Bashe Cabdi Gaboobe.