Xukuumada Taliban Oo Dab Qabadsiisay Qalabka Muusiga Oo Ay Ku Tilmaameen In Loo Adeegsaday Musuq Iyo Dhaqan Xumo

0
181

Xukuumada Taliban Oo Dab Qabadsiisay Qalabka Muusiga Oo Ay Ku Tilmaameen In Loo Adeegsaday Musuq Iyo Dhaqan Xumo

Talibaan-ka Afghanistan ayaa gubay qalab Muuskida loo isticmaalo, iyagoo ku andacoonaya in qalabkaan uu yahay mid loo adeegsado “musuqa” iyo waxyaabaha anshax xumada ah.

Kumanaan doolar oo lacag ah ayaa ku baxday qalabkan oo la arkayay qiiq hawada sare qabsaday Sabtidii deegaan ku yaal galbeedka gobolka Herat.

Tan iyo markii Talibaan la wareegtay xukunka Afghanistan sanadkii 2021-kii, waxay soo rogtay xannibaado dhowr ah sida in Muusigga aan lagu ciyaari karin fagaarayaasha la isugu yimaado.

AXmad Sarmast, aasaasaha Machadka Qaranka ee Muusiga ee Afgaanistaan, ayaa ficiladooda la barbar dhigay “xasuuq dhaqameed iyo burburin muusig”.

Dadka Afgaanistaan waa loo diiday xoriyada fanka ayuu yiri Sarmast ooh adda ku sugan dalka Bortaqiiska, isagoo intaa sii racaiyay, “gubitaanka qalabka muusiga ee Herat waa tusaale yar oo ka mid ah xasuuq dhaqameedka ka socda Afgaanistaan oo ay hogaaminayaan Taliban,”