Xukuumada Silaanyo Oo Ka Hadashay Sababta Loo Xidhay Wariye Soofadhiiste iyo Suxufiyiin Boolisku Ku Raad-joogo

0
662

Hargeysa(Halsan) :- Xukuumadda Somaliland oo markii u horaysay ka hadashay wariye maalintii saddexaad ku xidhan Berbera iyo kuwo lagu daba jiro oo Berbera ka baxsaday ayaa sheegtay in Suxufiyiinta loo haysto warar ay ka baahiyeen wasiiro maalintii ciida lagu foodhyay iyagoo ka khudbadaynaya magaalada Berbera.

“Qofku hadduu khalad galo waa wax iska caadi ah oo waa la xidhaa. Wariyeyaashan waxaa lagu xidhay khudbadii Salaadii ciida halkii buuqu ka taagnaa ood warkooda haysaan, xogaa wasiiradii halkaas ka khudbadaynayay ayay hadalkoodii si kale u yara turjumeen oo yara buun buuniyeen, markaa xadhiga wariyaha Soofadhiiste ku magac dheer wuu jiraa waana la baadhayaa waana la sii daynayaa Inshaa Allah, haddii wax lagu helana maxakamadda ayaa la gayn, ayuu yidhi Wasiir xigeenka amniga ee wasaaradda daakhiliga oo BBC-da la hadlay.

Wasiir kuxigeenka Amniga ee wasaaradda Daakhliga Somaliland ayaa ka hadlay qaabka loo baahiyay warka xukumaddu ka cadhootay “ Haddii adigoo Makarafoonkii aniga(Wasiir) hor haya aad makarafoonka kula cararto shakhsi kale oo halkaas taagan. Waxani waxay u baahan tahay ixtiraam oo maaha inaad mudnaanta siiso qofka Shoobarada wada. Haddii aad nin madaxa waraysanayso oo waxaan meeshii ku jirin aad ku darto oo aad hadalkii qofka badh goyso oo aad soo saarto in yar  oo hadalkii macno kale u rogaya taas lafteeda waa la isku qabsan karaa oo waxyaalahaas oo kale way iska jiraan, markaa buun buuninta iyo dhaqdhaqaaqa uu meesha ka sameeyay uun baa lagu qabsaday,” ayuu yidhi.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in lagu dabo jiro suxufiyiin kale oo aan wali gacanta lagu hayn kuwaasi oo lagu haysto siday u tabiyeen foodhida iyo qaylada lagu oogay wasiir kuxigeennada ka khudbadaynayay garoonka shacbiga ugu badan ku tukanayay ee Berbera Salaadii Ciidal Adxa.

Guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in Wariyeyaal dhawr ah ka baxsadeen magaalada Berbera kadib markii Boolisku ugaadhsaday “Ururka SOLJA waxa uu xad-gudub u arkaa talaabada ay Booliisku ku ugaadhsanayaan wariyayaasha kala ah Axmed Siciid oo ka shaqeeya Telefishanka Kalsan, Mubaarak Nirig oo ka hawl-gala Star Tv iyo C/raxmaan Maxamed Cige oo isna ka tirsan Telefishanka Star, kuwaasoo sida wararka naga soo gaadhaya ciidamada Booliisku guryahooda baadheen, hase yeeshee ka cararay magaaladda.”

Ugaadhsiga wariyeyaasha tirada badan ee ka hawl gala Berbera ayaa muujinaysa in xukumaddu dhibsatay dareenka bulshada Berbera ee suxufiyiintu gudbiyeen iyagoo bulshadu dareenkooda xakamayn kari waayeen Maalintii Ciida islamarkaana foodhi iyo sawaxan ku qaabileen Wasiir kuxigeenno xukumaddu u dirtay.