Xukuumada oo ka jawaabtay Hadal Dhawaan Ka Soo Yeedhay Musharax Cabdiraxmaan Ciro

0
626

Hargeysa (Halsan):- Xukumadda Madaxwayne Siilaayo iyo Xisbigeeda Kulmiye ayaa sidda Fiinta ugu

qayliyay hadal nugleeyay hanaankii siyaasadeed ee Kulmiye oo ay u bogeen shacabka somaliland.

 

Hadalkan ayaa ah in Musharax Cirro haddii uu ku guulaysto Madaxwaynimadda somaliland uu Ciidanka Qalabka Sida ee Somaliland u kordhin doono Musharka isagoo sheegay in uu Askari kasta siin-doono lacag gaadhaysa 200, oo Doolar ama in ka badan una dhisi doono Askari kasta guri uu galo.

 

Arrinka ayaa waxaa sidda fiinta ugu qayliyay Xukumadda iyo Xisbiga Kulmiye gaar ahaan Musharax Muuse Biixi Cabdi.

 

Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda somaliland ayaa si adag u naqdiyay hadalkan.

Muuse Biixi ayaa looga horeeyay in uu dhinaca Ololaha ka galo dhanka Ciidamadda iyo Shaqaalaha Sidii Macalinkiisa Siilaayo uu yeelay oo kale.

Dhinaca kale Ciidamadda Jamhuuriyadda Somaliland qaybahooda kala duwan ayaa soo dhaweeyey hadalka Cirro

Talaabaddan ayaa Guul siyaasadeed u horseedi karto Cirro

 

Source:  Arabsiyonews