Xukuumada Donald Trump oo Racfaan Deg deg ah ka qaadatay Xukun uu riday Garsoore Mareykan ah |
Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa si deg deg ah waxa ay racfaan uga qaateen Xukunkii uu riday Garsoore sare oo Mareykan ah oo looga soo horjeeday amarkii dhinaca socdaalka uu saxiixay Madaxweynaha. Xaakim jooga maxkamadda Seattle ee Washington ayaa soo saaray xukun uu ku joojinayo amarkii Madaxweynaha Mareykanka uu todobo wadan uga mamnuucay in ay yimaadaan Dalka Mareykanka, waxa uuna xaakimka amray in dadkii laga mamnuucay Mareykanka ay imaan karaan. Madaxweynaha dalka Mareykan oo ka hadlay racfaanka ay qaateen ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo in ay ku guuleestaan maadaama ay u daneenayaan nabad galyada dadka iyo dalka Mareykanka sida uu hadalka u dhigay. Donald Trump ayaa cambaareeyay xukunka uu soo saaray Garsooraha Mareykanka, waxa uuna tilmaamay hadii uu xukunkaasi dhaqan galo in dalkooda ay kusoo qul quli doonaan dad uu ku sheegay in ay xunyihiin qatarna ku yihiin amaanka dalkooda. Banaan baxyo waa weyn ayaa wali ka socda magaalooyin kuyaala dalka Mareykanka, banana baxyadan ayaana ah kuwa looga soo horjeedo xayiraada dhinaca socdaalka uu Madaxweynaha kusoo rogay todobo wadan oo Muslimiin ah. |