Xukumadda Somaliland oo si adag uga hortimid qorshaha Turkiga iyo maamulka Muqdisho wataan una digay salaadiinta Somaliland

0
683

Ceerigaabo(Halsan):-Xukumadda Somaliland ayaa si kulul u dhaleecaysay dawlada Turkiga, waxana ay dawlada Somaliland sheegtay in aan dawlada Somaliland mardanbe aqbali doonin madal ay dawlada Turkigu kali ku tahay in ayna Somaliland soo fadhiisan doonin oo lagu wada hadalsiinaayo maamulka Somaliya.

Wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland oo ku sugan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa ku dhaleeceeyay dawlada Turkiga in ayna daacad ka ahayn qadiyada Somaliland isla markaasina ay arinta Somaliland meel la mid ah kala taagantahay arinta Kurdishka ee ay dawladu Turkigu xasuuqa ku hayso.

Waxa uu wasiir Warancadde sheegay in aanay waxba ka soconaynin arimaha khiyaamada ah ee lagu qalday qaar ka mid ah salaadiinta Somaliland oo u hanqal taagay sheekada ay wataan maamulka Muqisho iyo dawlada Turkiga, waxna uu sheegay in Somaliland ay leedahay shuruuc iyo nidaam taasi oo uu uga digay hogaamiye dhaqameedka Somaliland in ay ka dheeraadaan sheekada lagu mudan karo ciqaab dastuuri ah.

Waxana uu wasiir Warancadde ku cel celiyay in dawlada Turkigu ay qaadayso wado qaldan isla markaasna ayna sinaba u suurto galayin in Somaliland hogaamiye dhaqameed matalayaa ay la shiraan dawlada Turkiga iyo maamulka Muqdisho, waxana uu digiin culus si gaar ah ugu gudbiyay dadka sida sharci darada ah loogu soo adeegsanaayo Somaliland meel kasta oo ay joogaanba