XUKUMADDA SIRAANYO WAA SAANBUUSE LAGA EEDAAMEY.

0
801

LAGA BILAABO 26 JUN 2015 XUKUMADDA SIRAANYO WAA SAANBUUSE LAGA EEDAAMEY.

Sida aan lawada socono xukumadan Siraanyo waxa la doortey 26 Jun 2010 ilaa 26 Jun 2015.Wixii intaa ka danbeeya waa bilaa sharci,Somalind xeer iyo sharci ayaa jira hadii dhibaato ama masiibo dabeeciyi dhacdo ha la kordhiyo se wax dhacay ma jiraan.

Tii riyaale ayaa loo kordhiyey ee anagana hanaloo kordhiyo dee sharci maaha,tan kale tii Daahir Riyaale ma siibo qaran ayaa dhacdey oo waxa shabaab qarxisey madaxtooyada oo hindidii diwaan galinta ayaa baxay,ee tan Siraanyo maxaa dhacay kordhin dhaafo waa in xilka lagaga qaada xil gudasho la’aan uu doorasho ku qaban waayey.Ummaddi Somalind maxa ku dhacay waa xalkii Amina Warise ma soodhe ayey isku badaleen maxaa haleeley ummaddii Somalind,maanta maandeeq hadaan la ilaashan meel xun ayaa laynaga eegi oo burbur iyo gunimo ayaa inagu dhici.

 

Haddii shicibku calankuu tabcaday,loogu tudhi waayo

Tis dhan oo qabyaalada haddii,tuurta lagu qaato

Maantana Taleex iyo haddii,Taamo laga muujey

Tariikhdii Karal haddii,taabka lagu haysto

Tol-maroorsi xaajada haddii,nala taraarsiiyey

Taajkii yimaaddaba hadday,toban ku saaxiibto

Tafaraaruqii hore hadday,tanina noo raacdo,

Idinkuna tigaaddiyo njmcada,taransan maysaane

Tambareeri uunbaydin noqon,tiriyey shaashkiiye.

Haddaan laga tanaasulin jarkaa,nlagu taaraayo

Tallahaan ku dhaartaye inay,tegi sidii Koongo.

Maxaad u eeganeysaan xaq daradan,tan kale waa maxay nabadu?????

Nabadu waa in qof walba xaqiisa halo taasi oo ah

-In distoorka lagu socdo.

-in uu qofku xaq u leeyahay inuu hadli karo,mudahraadi karo wax qori karo,xusbigu doono gali karo

-Waa in hantida ummadda iyo danta guud si cadaaladda lagu maamula sowtan la boobey.

Waxaan leeyahay 26 jun 2015 Ahmed Siraanyo,Xirsi Toorey,Baashe Moorgan,Maama Qadiija,Zamzam  inagama xigaan dowlada aniga igama xigaan,adigana kaama xigaan,iyagana kama xigaan dowlada kuwa mucaaradkana kama xigaan Sheekh Aadan siiro,Sheekh Dirir iyo Sheekhna kam xigaan dowladda .Madal iyo Xasan ciise kama xigaan,Ucid iyo Cali gureyna kama xigaan,xamarji,Deeq Canbuur,Boobe iyo Wadaniba kama xigaan caruur iyo ciroole cidna kama xigaan Dowladda.Waana sanbuuse laga eedaamey dowladda siraanyo.

 

XUKUMADDA SIRAANYO WAA SAANBUUSE LAGA EEDAAMEY.

 

SOMALILAND ILAAHAY HOW GARGAARO GOONI ISU TAAGEDDA

AMIIN……AMIIN……AMIIN…….

MAHADSANID

ABDI ALI JAMA

LONDON

daljire99@gmail.com