Xubnaha Guddida Sare Ee Jaamacadda Hargeysa Oo Laga Naawilaayo Go'aan Lagu Furfuro Khilaafka Ragaadiyey Jaamacadda Hargeysa

0
699

Hargeysa(Halsan):- Golaha Sare ee jaamacadda Hargeysa ayaa la filayaa inay sida ugu dhaqsaha badan u soo saaraan go’aamo lagu xalinayo xiisadda ka taagan jaamacadda Hargeysa ee sababtay in jaamacadda la xidho.

 

Ma jiro go’aan rasmi ah oo ka soo baxay golaha sare ee jaamacadda Hargeysa, laakiin ilo xogogaala ayaa sheegay in go’aamada guddiga ay u horeeyaan in la caydhiyo afar macalin oo ka tirsan jaamacadda Hargeysa oo haya xilal kala duwan.

 

Afartan macalin ayay golaha sare ee jaamacadu aaminsanyihiin inay yihiin sababta khilaafka soo noqnoqday ee jaamacadda Hargeysa ugu dambayn albaabada u xidhay. Go’aamada guddiga ayaa ah kuwo aad loo wada sugayo, iyadoo jaamacadu khilaafkaas u xidhan muddo toban maalmood gaadhaysa.

Khilaafka jaamacadda Hargeysa waxa ka damqaday dadka samo ka-taliska ah ee Somaliland ku sugan, kuwaas oo xukuumadda ugu baaqay in badan inay deg deg wax uga qabato khilaafkan oo ugu dambayn cambaar ku noqday guud ahaan waxbarashada Somaliland.