Hargeysa(Halsan):-Masuuliyiin, siyaasiyiin iyo odayaal ka tirsan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ugu jira beelaha Habar Yoonis, ayaa taageero buuxda la garab istaagay murrashaxnimada jagada madaxweynenimo ee Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Casuumad qado ah oo uu martiqaadkeeda lahaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo lagu qabtay huteelka KAAH ee bariga Hargeysa maanta, kana qaybgaleen wasiirro, xildhibaanno, agaasimayaal, siyaasiyiin, madaxdhaqameed, haween iyo weliba ugu yaraan labaatan ergay oo ka mid ah xubnaha beelaha Habar Yoonis ugu jira Golaha Dhexe ee KULMIYE, ayaa shaaciyey inay aqlibiyadoodu taageersan yihiin murrashaxnimada Guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo isaga iyo xubno hoggaanka ka mid ahi ku sugnaayeen madasha oo lagu martiqaaday, isla markaana ay hiil buuxa la garab-joogayaan tartanka golaha dhexe ee xisbiga ilaa doorashada madaxweynaha uu ku guulaysto.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo ku hadlayey afka xubnaha xisbiga iyo inta beesha taageertay murrashaxnimada Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta ay go’aanka u qaateen waqtigan oo si wayn dalka looga dareemayo xamaasadda tartanka KULMIYE dhexdiisa oo uu ku tilmaamay inay tahay dimuqraadiyadda lagu yaqaanno xisbiga ee uu ku soo caano-maalay muddada dhawr iyo tobanka sanno ah ee uu jiray.
Wasiir Caddaani oo ka hadlayey taageeradooda iyo siday ku xusheen Muuse Biixi, waxa uu yidhi, “Haddii aannu nahay guddiga Habar Yoonis ee ku jira golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo tiradayada guud ee golaha ku jirtaa waa 26 xubnood, waxa annagoo 20 ka mid ah aannu idinku bushaaraynayaa in taladayadu noqotay in murrashaxa xisbiga KULMIYE oo noqda Madaxweynaha mustaqbalka ee Jamhuuriyadda Somaliland waa Muuse Biixi Cabdi.
Haddaba su’aashu waxay tahay dad kala wada fikir ah baanu ahayne maxaannu ku dooranay Muuse? Jawaabtu waxay tahay odayashaa ay ka mid yihiin; Axmed Boodhle, Daahir Geeljire iyo Cismaan Kaahin, madaxdhaqameedka, ragga iyo hablaha Habar Yoonis ee maanta halkan fadhiyaa waxaannu ku dooranay Muuse Biixi, waqti walba ninkeeda iyo taladeedu xagga Alle ayey ka socotaa, waxaannu qabnaa in waqtigani yahay kii Muuse, waayo waa mujaahid halgan dheer oo uu naftiisa u soo huray u soo galay dalkan, halgankii dalkan loo soo maray wax sahlan muu ahayn, waxa laga yaabaa in dadka qaar yidhaahdaan Muuse dabeecaddiisu waa caynkaa, laakiin cid waliba way ogtahay hoggaamintiisu waxay tahay, halka uu ka soo saaray dalkan iyo halka uu gayn doono. Waxa kaloo aannu ku raacnay xisbinimada iyo samirka uu muujiyey.”
Waxa kaloo sheegay in Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi uu yahay qofka ugu mudan ee xaqa u leh murrashaxnimada iyo hoggaaminta xisbiga ee tartanka doorashooyinka madaxtinimada, taasina ay ahayd wax cad oo reer KULMIYE wada ogaayeen, “Maaha in aynu wax walba ku wadahadalno, guddooninimada xisbiga maalintii Muuse loogu dooranayey Burco (2008) muunad muu ahayn, waxay ahayd in marka Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo muddada xilkiisa waqtiga Ilaahay garto dhammaado uu Muuse noqdo hoggaamiyenimada oo way u qarsoonayd (shadow) murrashaxnimadu, nin kastoo xisbiga KULMIYE ku jiray gudo iyo dibadba wuu ka war hayey in Madaxweyne Siilaanyo kadib ninka kursigaa loogu ballanqaaday ee u soo halgamay ee u soo samray ee go’aan kasta intii uu Madaxweynaha Somaliland ahaa iyo intii uu jabhadda ahaaba la barbartaagnaa inuu ahaa Muuse Biixi, markaa maaha wax dusha la innagaga keenay. Miyaanay ahayn in aynu abaalka gudno, reer KULMIYE cid walba waynu leenahaye miyeynaan ahayn maanta dad abaal gudi kara? Waxaan qabaa in Jamhuuriyadda Somaliland abaal gudi karto, waxaan qabaa in inteenna KULMIYE ah ee uu dhiigga ka galay xisbigu ee maal iyo maskaxba u huray in aynu Muuse ugu abaalgudno samirkii, go’aankii iyo taladii uu intaa la barbartaagnaa Madaxweynaha,” ayuu yidhi Wasiir Caddaani oo hadalkiisa ku soo ururiyey ballanqaad beeshiisu ku dhisayso murrashaxnimada Muuse Biixi.
Dr. Maxamed Axmed Cabdi (Carabayte) oo ka mid ah xubnaha xisbiyahanka KULMIYE ee ku jira golaha dhexe, ayaa ku tilmaamay in taageeradoodan ay siiyeen Guddoomiyaha xisbiga tahay mid xaq ah oo waqtigeedii joogta, “Arrintani waa xaqii oo soo ifbaxay, waxaannan aad ugu faraxsanahay anigoon cidna ku cannaananayn in la garto marka xaqu soo baxo, waxaanna naga run ah oo aan mugdi nagaga jirin sida aannu isugu nimi inay nooga dhab tahay in aannu u dooranno murrashaxnimada Muuse Biixi iyo sida aannu u taageersanahay in aannu u dooranno markay madaxweynenimo timaado,” ayuu yidhi Dr. Carabayte.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Khadar Axmed Diiriye iyo Guuleed Axmed Hugur oo labaduba golaha dhexe ka mid ah, Boqor Maxamed Boqor Axmed, Suldaan Cali Yuusuf (Badda Cas) iyo Maxamuud Cali Maxamed (Baadiye), kuwaas oo dhammaantood isku raacay in taageeradooda murrashaxnimada Muuse Biixi tahay mid dhab ah, isla markaana waxay ku wargeliyeen murrashaxiinta kale in aannu hunguri ka soo gelin codkooda.
Dhinaca kale, Xildhibaan Axmed Waysa-cadde oo ka mid ah Golaha Wakiillada, kuna hadlayey afka beelaha Subeer Awal, ayaa mahadcelin iyo soo dhaweeyn ku qaabilay go’aankan hiilka u ah Guddoomiye Muuse Biixi, waxaannu yidhi, “Anigu intii aanay abtiyaashay dhawaaqin wax baa iga dhinnaa taageerada Muuse Biixi, laakiin maanta waxaan dareemayaa in aan dhammaystirmay, intaa iyo in ka badanba waa la idinka filayey, annaguna waanu gudi doonaa abaalkaa.”
Waxa kaloo iyaguna halkaasi hadallo ka jeediyey Guddoomiye-ku-xigeen kowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) iyo Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga oo iyaguna dhammaantood soo dhaweeyey taageerada xubnahan golaha dhexe u shaaciyeen hanka Guddoomiyaha KULMIYE ee dhereran ilaa talada dalka.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka mahadceliyey mowqifka taageerada ah ee la siiyey, waxaannu yidhi, “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay taageerada Abtiyaashay i siiyeen oo iigu soo horreeyey, waa hiil wayn, waan idiin ogahay, weliba taageeradiinu way ka shucaac dheertahay kuwa dadka kale oo dhan.”
Waxa kaloo uu ka hadlay tartanka murrashaxnimada KULMIYE iyo saamaynta uu yeelan karo, isagoo kula dardaarmay kaadirka xisbiga inay midaysnaadaan oo aanay ku kala tagin xamaasadda dimuqraadiyadda ah ee caadada u ah.
“Shacabka Somaliland inuu KULMIYE oo keliya eeganayo waxaad ku garataa maanta dalka oo dhami Laas-qoray ilaa Saylac wuxuu hadal hayaa shirka golaha dhexe ee KULMIYE, xisbi kale lama hadal hayo. Sidaa darteed, sidii caadada inoo ahaan jirtay dhammaanteen waxa innagu waajib ah xisbigu inuu tartamo oo qof kastoo golaha dhexe ahi xaq buu u leeyahay inuu tartamo, laakiin waa inuu noqdaa tartan nadiif ah, inteena iminka is raacsan waxaan farayaa inay ka ilaaliyaan wax xanaf ah tartankaa dhexdiisa, waa KULMIYE ee tartanku waa in aannu keenin xanaf ee waa in aynu isu soo hillowno, waa inuu tartanku ku dhammaado innagoo isku mid ah oo isjecel oo kaftamayna, taasina innaga ayey masuuliyaddu ina saaran tahay oo bilaabayna, ragga inala tartamaya waynu soo dhawaynaynaa oo waa walaaladeen, waxaannu leenahay aynu u tartanno si nadiif ah oo qabow, marka uu tartanku dhammaadana innagoo KULMIYE ah oo midaysan ayeynu is raacaynaa, waa sababta ummaddu inagu aamintay ee ay hadda inoo hayso,” ayuu ku soo ururiyey hadalkiisa Muuse Biixi Cabdi.