Xoghayihii Hore Ee Dawlada Hoose Hargeysa Deeq Xirsi Cambuur Oo Xalay Magaalada Hargeysa Ku geeriyooday

0
668

Hargeysa(Halsan): -Alla haw naxariistee waxa xalay cusbilkaa guud ee magaalada hargeysa ku geeriyooday Deeq Xirsi Cambuur oo ahaa xoghayihii hore ee dawlada hoose caasimad hargeysa hadana kamid ahaa xisbiga WADANI gaar ahaan gudida golaha fulinta xisbiga WADANI.
Marxuum Deeq Xirsi Cambuur ayaa mudooyinkii u danbeeyeyba xaalad caafimaad u jiifay cusbitaalka wayn ee magaalada hargeysa.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, Gudoomiyaha garabka haweenka xisbiga Wadani Hinda Xasan Idiris,iyo dhamaan masuuliyiinta xisbiga wadani ayaa waxay tacsi u dirayaan eheladii, qaraabadii, asxaabtii,bulshada Somaliland, iyo xisbiga WADANI ee uu ka baxay marxuun Deeq Xrsi Cambuur, iyaga oo alle uga baryaya inuu alle u naxariisto, janadiisa fardawsana ka waraabiyo Sammir iyo imaana ka siiyo.
Inaalilaahi Wa Innaa Ilahayhi Raajicuun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here