Hargeysa(Halsan):- Xoghayihii dawladda hoose ee Hargeysa Ibraahin Axmed Raabbi ayaa shaqada laga eryay isagoo muddo 6 bilood oo kali ah xilkaasi hayay. Warqadda xilka qaadista ayaa si rasmi ah u shaac baxday maalin uun kadib markii ilaa 8 xildhibaan oo golaha deggaanka ahi taageero la garab istaageen xoghayaha kuna majeerteen waxqabadkiisa, iyagoo sababta ku xidhiidhiyay arrimo xisbi ama siyaasadeed balse aan shaqo la xidhiidhin.
Warqadda lagu magacaabay xoghayaha cusub ee dawladda hoose ayaan lagu sheegin sabab xilka looga qaaday xoghayaha hore.