Xoghayaha Hay’adda Qaramada Midoobay Oo Wakiil kale U Soo Magacaabaya Dalka Somaliya

0
613

Xoghayaha Hay’adda Qaramada Midoobay Oo Wakiil kale U Soo Magacaabaya Dalka Somaliya

 

 

Warbixin uu soo saaray ku xigeenka af-hayeenka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in xog-hayuhu aad uga xunyahay go’aanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ah in ergaygiisa, isla markaana ahaa madaxa hawlgalka taakulaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, UNSOM, aan dalka laga ogolayn.

Warbixintaa waxa lagu sheegay “xog-hayaha guud wuxu kalsooni buuxda ku qabaa Haysom, oo ah qof ka mid ah shaqaalaha caalamiga ah ee [Qaramada Midoobay] isla markaana leh khibrad lana ixtiraamo, kaas oo ka soo dhalaalay xilal badan oo hogaamineed oo heer sare ah oo uu ka soo qabtay xarunta guud ee Qaramada Midoobay iyo meelo kale oo dunida ah ba. Qof aan dalka laga rabin, waa qaraan aan khusaynin, isla markaana aan lagu qaadi karin shaqaalaha Qaramada Midoobay. Sida ku cad Axdiga Xidhiidhka Diblomaasiyadda Vienna 1961, qodobkaasi waa mid u gaar ah dan jirayaasha ay dawladi mid kale u dirato ee xidhiidhka laba geesoodka ah. Qaramada Midoobay ma aha dawlad, shaqaalaheeduna ma ah diblomaasiyiin dawladi tu kale u diratay waxay hoos tagaan Xog-hayaha guud”

Warbixintaa uu soo saaray ku xigeenka af-hayeenka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Farhan Haq, waxa kale oo lagu sheegay in “xog-hayaha guud ay ka go’antahay in baahida dadka Soomaaliya ay tahay waxa ay Qaramada Midoobay mudnaanta koobad siiso. Isla markaana UNSOM u baahantahay in ay sida ugu haboon u gudato waajibaadkeeda ah taageerada dalka. Sidaa awgeed, Xog-hayuhu waxa uu doonayaa in uu dhawaan wakiil gaar ah u soo magacaabo Soomaaliya, kaaso oo isla markaana noqon doona madaxa UNSOM”