Xisbigga Qaran ee Wadani oo ay ku shaqaysanayaan kooxo gaarii iminka!!! by Abdilahi Hassan

0
957

Xisbigga Qaran ee Wadani oo ay ku shaqaysanayaan kooxo gaarii iminka!!! by Abdilahi Hassan

Tan iyo intii ka danbeysey Guuldaraddii weyneyd ee Xisbigga Wadani ka soo gaadhey Doorashaddii Madaxweynaha 2017, oo laggu muquuniyey 80, 000 oo cod, ayaa waxaa soo baxaaya in Xisbigga Wadani ay ku shaqaysanayaan kooxo kala duwan oo danno gaara oo kala duwan, kala aaminsan.

Xisbigga Wadani ayaa waxaa musharax ka ahaa Gudoomiye Cabdirahman Cabdilaahi Cirro iyo nin aanan aqoon u lahayn, laakiin ka soo jeedda Gobolka Boorama.

Waxaa hubaala in codka ugu badan ee Xisbigga Wadani doorashaddaa ka soo hooyey inay keeneen labadda Musharax ee isu ahaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, oo Goboladda Togdheer iyo Boorama ka soo kala jeedda.

Sidda Xisbigga codka looggu keenay ayaa waxay ahayd sidan hoos ku qoran.

1- Gudoomiyaha, codka heerka koowaad,

2- Gudoomiye ku xigeenka, codka heerka labaad,

3- Iyo Hogaamiyaha ruuxiggaa oo keenay codka heerka sadexaad.

Taasi oo u qormaysa deegaan ahaan iyo beel ahaanba sidan hoose ku xardhan.

1- Habar Yoonis,

2- Samaroon,

3- Habar Jecelo.

Halka dhinaca kale ee guusha Madaxweyne Muse Biixi Cabdi Kursigga ku helay ay codkooddu u dhigantahay sidan hoos ku xardhan.

1- Codka heerka koowaad Habar Awal,

2- Codka heerka labaad Habar Jecelo,

3- Codka heerka sadexaad Harti,

Qaabka codka shacabka reer Somaliland u bixiyey ama Doorashaddu u dhacday sidaasi ayey ahayd.

Inkasta oo Beesha Habar Jecelo ka codaysay Xisbigga Wadani, hadanna Beeshu waxay fadhidaa kaalinta sadexaad codkii Xisbigga Wadani iyo Gudoomiye Cabdirahman Cirro la siiyey, waxaanna la odhan karaa siyaasiyan waa arin aan fogeyn in Xisbigga Wadani guusha guntigga u xidho mar kale. Isla markaasinna Ummadda waxii uu haystey xejisto, inta ka maqanna baadi doonno.

Waan aaminsanahay in Guusha laggu hogaamiyo Xisbigga Wadani goorteedda, laakiin taasi shaqo, isdhowrasho iyo dadaal weyn ayey u baahantahay maanta.

Waxaan qabaa haddii Doorasho dhacdo maanta, in Xisbigga Wadani hoos ugga dhici doonno heerkii iyo hannaankii wacnaa ee Ummadda uu ku kasbaday, taasi oo ay keentay qaabka Xisbiggu u dhaqmay tan iyo guuldaraddii ka soo gaadhey Doorashadda.

Maxaa Xisbigga Wadani nabaradda culus ku dhuftay, ee doorkii Xisbigga naafeeyey?

Xisbigga Wadani waxuu noqday Xisbi ay ku shaqaystaan qolyo nacayb badan, xumaan iyo xasad weyn ku jiro, oo Xisbigga Wadani kula soo galgashay amuuro keenay burbur iyo barmaamuj khaldan.

Waxay yahiin kuwaasi hadaba?

Waa dhowr qolo oo badankooddu Xisbiganna aan waxba u keenin xumaan, nac, isku dir iyo dagaal Ummadda isu sudhay, kuwaasi oo liicda, dhibka iyo burburka Xisbigga Wadani kow ka ah manta.

1- Qolo waa qolo ay isku hayb iyo deegaan ka soo wadda jeedaan Madaxweynaha dalka loo doortay, kuwaasi oo Siyaasaddii Xisbigga iyo taageeraddii waxba ka keeni kari waayey,

2- Qolo waa kuwo Madaxweyne Muse Biixi Cabdi bud ku maal iyo dagaal wax kagga doonaaya,

3- Qolo waa qolo Xisbigga Kulmiye la socdey oo hadhayeey iyo jabayeey taah iyo tallo xumo Xisbigga Wadani iyo Beesha Garxajis ee sharafta iyo karaamadda mudan ku kicinaaya.

Waxaasi oo xumaan, xiqdi iyo xasad ah ayaa Xisbiggii Wadani iyo Beeshii Garxajis intay huluusheen oog iyo arimo khaldan ku shidaaya maanta.

Waxaan ogahay in Xisbigga Wadani ama Beeshii wax doonaysey manta Guddi xaqiiqo raadisa, oo daraasadaysa Xisbigga Wadani siddii codka uu u helay, khaladka dhacay iyo halka wax ka leexdeen.

Xisbiggii Wadani Tallo ayuu isugu noqday, oo wax aqoon iyo Ummaddii Xisbigga ahayd ku xisaabtamaysaa maanta.

Wax aqoonkii Beesha Barakaysan ayaa dadaal weyn iyo daraasad cilmiyeysan ku joogtaynaaya geedi socodka iyo doorka Xisbigga Wadani maanta.

Haddii marka la xisaab tamo, ee Xisbigga Wadani Xisaab furo, Beesha Madaxweynahii degey Mudane/Madaxweyne Ahmed Siilaanyo, codkii Xisbigga Wadani la siiyey kaalinta sadexaad fadhiddo, miyaan la odhan Karin wax ayaa khaldan? Miyeyna Xisbigga Wadani garan Karin tiirarka Xisbigga iyo taageeraddiisa?

Maaha Ummadda in laysku soofeeyo, oo xog mooge xadhkaha iyo xidhiidhka Ummadda wadda dhalatay jaro, maaha in dadka wadda dhashay xumaan, dagaal iyo dan laalid laggu abuuro.

Xisbigga Wadani waxaan ku amaanayaa in la xisaab tamo, oo Xisbigga Wadani dhexdiisa Xisaabtan weyni ka dhaco, taasi ayaa keenaysa miyirka iyo aqoonta Xisbigga Wadani laggu hagaayo mustaqbalka.

Xisbigga Wadani inuu la shaqeeyo Madaxweynaha Ummaddu dooratay dantoodda ayaa ku jirta iyo gaadhidda hogaanka dalka ama laggu kasbanaayo taageeradda iyo kalsoonidda Ummadda.

Waxaa loo baahanyahay in dhex guurka iyo sariirta laggu taaho ee Xisbiggii Wadani loo rogey in lagga soo celiyo.

Xisbigga Waa inuu wax ka noqdaa ninkii wax u keeni kara oo qudha, raga Xisbigga aan codka u keenin, ee isku dirka iyo kala fogeynta Xukumadda iyo beelaha Somaliland wadda waxaan leeyahay Wadani waa inuu Siyaasad cad ka yeeshaa, oo Xisbigga ilaalin karta doorkiisa iyo geedi socodkiisa Guulaha mustaqbal.

Ummaddu waa Ummad wadda dhalatay, shalay waa laggu dhaafiyey Kursigga, maanta fursad ayaad u haysataa weyn gaadhidda Kursigga, markaa yaan dhiidhi laggu rafan iyo dheg xumo Ummadda iyo Qaranka kala qaybinaysa, ee hore ha loo socdo had iyo jeer.

Wax jeegaan la yiraahdaa ma jiraan, dad walaalo ah oo wadda dhashay Ummaddu weeye, laba faras ayaa cararay, mid ayaa ciidda galay, waxaa loo baahanyahay in khaladkii dhacay la saxo oo qudha.

Qarnigan 21 ee aynu ku jiro, dagaal, afxumo, durbaanno iyo daasaddo laysku tumo waa lagga guurey, Siyaasad ku dhisan tab iyo xeelad ayaa laggu kala calaf qaadayaa.

Ninka jiq iska siiya ama afka buuraa Siyaasi maaha, manna gaadhi karo halka hayaanka laggu yahay, kuwii shalay Siyaasiyan ku legdey ayaa lala soo kala hadhaa.

Xisbigga Wadani ayeyna ku shaqaysan kooxo gaarii iminka oo u badan kuwo Siyaasaddu dafirtay, ama doorkii iyo taageeraddii Xisbigga Wadani aan waxba ku lahayn.

Maxaa laggu wadda hadlayaa, haddii Jeegaanta la sheegayaa Xisbigga Kaalinta sadexaad fadhiddo, oo codkii iyo taageeraddii Xisbiggu ku faanaayey keeneen.

Xisbigga Wadani ha Xisaabtamo, oo codkii Xisbigga la siiyey wey qorantahay ee Ummadda ha laysku hayo, oo qabyaaladda, cudurka, cadiifadda iyo ciladda ha lagga saaro, qolyaha aan ogahay Xisbigga Wadani kula dhex jiraan.

Xisbigga Wadani, oo ah Xisbi Qaran oo Ummaddu wadda leedahay ah, uma taallo Madaxweyne Muse Biixi nacis iyo reer hebel nicis, ee midnimo Qaran ayaa u taalla iyo Ummadda siddii loo uruursan lahaa.

Xannaaqa Xisbigga Wadani waanu ognahay, oo guuldaraddu wey xannuun badantahay, laakiin ninka raggii Samir, dul iyo mustaqbalka danbe ayuu ku liqaa xagashadda iyo xumaanta Siyaasadda, ee Xisbigga Wadani ku hibanaayo bixintii codka ee reer Somaliland, oo deegaanadda gaar ay ka filayeen taageero mug weyn.

Madaxweyne Muse Biixi Cabdi iyo Gudoomiye Cabdirahman Mohamed Cabdilahi ayey Ummaddu kala dooratay shalay.

Gudidda Xisbigga Wadani saaray, waa inay Xisbigga ku soo celiyaan xadka iyo xeerkii taageero iyo cod bixin, ee laggu wadda lahaa Xisbigga Wadani.

Abdilahi Hassan.