XISBIGA WADDANI OO SHAHAADO SHARAF KU MAAMUUSAY MUJAAHID BOOBE YUUSUF DUCAALE

0
863

Hargeysa(Halsan) :-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa shahaado sharaf uu xisbiga Waddani ku maamuusayey sida oo kalena ay ku dhiiri-galinaayey hawla laxaadka leh uu xisbigaas u hayo guddoonsiiyey xogyahaya warfaafinta xisbiga Waddani Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe).

Guddoonsiinta shahaado sharaftan oo ka qabsoontay munaasibad aad u bilan oo xisbiga Waddani ku soo bandhigaayey Wargeys xilliile ah oo la magac baxay Warsidaha WADAAG oo xalay ka dhacday hotel Maasoor, ayaa waxaa goob joog ka ahaa hoggaanka xisbiga Waddani, guddida fulinta, garabada haweenka iyo dhalinyarada, qurba-joog, madax-dhaqameed iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ku sifeeyey mas’uul karti badan isla-mar-ahaantaana daacad u ah hawlahiisa shaqo, waxaana uu tibaaxay in ay shahaadadan ay ugu maamuuseen kartida iyo dedaalka badan oo uu muujiyey mudadii uu ku jiray xisbigaas isaga oo Waaxda warfaafinta ee xisbiga Waddani ka hirgaliyey in ay soo saaraan Wargeysa xilliile ah oo ku hadla afka xisbiga Waddani.

Md.Cabdiraxmaan Cirro oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu sida oo kale tilmaamay in xukuumadda Siilaanyo waagii uu Mujaahid Boobe xilka ka hayey ay ku qoonsadeen hawl karnimada iyo daacadnimadiisaba.

“Mujaahid Boobe  Yuusuf Ducaale waa shaqsi hawl karnimo iyo dadaal leh, waa masuulka xarunta xisbiga ugu hor yimaada , markii  uu wasiirka ahaana sidaas uun buu ahaa ee malaa dawladu dadka dedaalka badan leh la col bey tahay.”.Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here