Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Kulan Uu Komishanka La Qaatay iyo Caqabado Haysta Hawlaha Komishanka Doorashada

0
821

Hargeysa(Halsan) :-Xogyahaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa sheegay in habsami u socodka hawlaha  Komishanka doorashada ay cabaqad ku tahay wakhtiga doorashada ee aan ilaa hadda la cayimin.

 

Xoghayaha oo  Salaasada maanta Hargeysa kula hadlay saxaafaddu  waxa uu xukumadda ugu baaqay inay hirgaliso heshiiska asxaabta iyo xukumadda ee ahaa in doorashada la qabto December 2016-ka,si komishanku u helo wakhti uu ku saleeyo jadwal hawleedkiisa.

 

“Dhibta haysata Komishanka doorashada iyo  qaranka Somaliland ba waxa weeye iyadoo aan ilaa maanta Xukumaddu fulin oo aanay hirgalin heshiiskii xisbiyadu gaadheen. Arrinta dhibta ku haysa Komishanku waxa weeye Dad inta wax loo diray wakhti cayimanna aan la siin oo la leeyahay waxna qabta dibna yaanay u dhicin, waxna ha dhammaadaan,” ayuu yidhi Xoghaye Uurcadde.

 

Mudane Uurcadde, waxa uu sheegay in wakhtiga aan la cayimini keenayo dib u dhac ku yimaada hawlaha Komishanka oo diwaangalinta codbixiyeyaashu ugu horayso “Wixii lagu heshiiyay ee Komishanka qoraal loogu gudbin lahaa, oo ay si rasmi ah ugu shaqayn lahaayeen oo aanu Madaxweynuhu ilaa hadda wax talaabo ah ka qaadini waxay keenaysaa inay dib u riixmaan arrimaha diwaangalintu, taasina waxay dhib ku tahay Komishanka, Dadka Somaliland iyo cid kasta oo dimuqraadiyadda jecel,” ayuu yidhi Mr Uurcadde.

 

Xoghayaha Waddani, waxa uu sheegay in Komishanka ay ka wada hadleen arrimahan, islamarkaana ay waddani ahaan u bandhigeen in Komishanku hawlqabadkiisa ku saleeyo muddadii Asxaabta iyo xukumaddu ku heshiis ee ahayd in doorashooyinka la qabto December 2016-ka.

 

Mudane Uurcadde, waxa uu ku dooday in hirgalin la’aanta heshiiska Asxaabta iyo xukumaddu muujinayso Xukumaddu inaanay diyaar u ahayn doorasho ku qabsoonta wakhtiga loo kordhiyay, waxaanu madaxweynaha ku booriyay inuu heshiiska hirgaliyo si wakhtiga doorashadu u cayinmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here