Xisbiga Wadani Oo Xaflad Soo Dhawayn Ah Magaalada Burco Ugu Sameeyey Taageerayaal Kusoo Biiray Oo Kasoo Diga Rogtay Xisbiga

0
593

Burco(Halsan):- Masuuliyiinta xisbiga wadani ee gobolka togdheer ayaa maanta xaflad soo dhawayn ah ugu sameeyey hotel Plaza ee magaalada burco taageerayaal tiro badan oo kusoo biiray xisbiga mucaaradka ah wadani kana soo diga rogtay xisbiga kulmiye.

Waxaana munaasibadii lagu soo dhawaynayay taagerayaasha ka qayb galay gudoomiye ku xigeenka xisbig wadani ahna musharaxa jagada madaxwayne ku xigeenka xisbiga wadani mudane Axmed Muumin Seed iyo wafti uu hogaaminayay oo kamida saraakiisha sare ee xisbiga.

Waxaana intii ay munaasibadaasi socotay laga so jeediyay khudbado badan, iyaga oo sheegay masuuliyinta xisbiga wadani e inay ku faraxsan yihiin kusoo biiritaanka tageerayaashan ayna soo dhawaynayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here