Cali Gurey oo sheegay In Aan Loo Dhamayn Shirka Wadatashiga Qaran Ee Ay Mucaaradku Shalay Ka Fureen Magaaladda Hargaysa

0
638

Hargaysa:( Halsan)- Siyaasiga Cali Yuusuf ‘Cali-guray’ oo ka mid ah Hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,ayaa sheegay inuu jiro mad-madaw u dhexeeya Mucaaradka oo ku saabsan shirka wadatashiga Qaran ee ay Shalay si rasmi ah uga furmay Magaaladda Hargaysa,kaas oo ay ka qeyb-galayaan Ergooyin ka kala socda Xisbiyadda UCID,WADDANI Iyo Siyaasiyiinta Madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka.

Waxaana uu intaas raaciyay in aan wali si rasmi ah laysula gorfayn Ajandaha shirka iyo Waliba natiijadda laga fiolan karo.

Qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa Xidhiidhka Bulshadda ee FACEBOOK-ga,ayaa u dhignaa sida tan:“Waxad moodaa in madmadow badan oo ku saabsan shirka mucaaridka ee xisbiyada mucaaridku qabanqaabadiisa leeyihiin uu jiro oo xataa mucaaridka dhexdiisa aan si loo wada fahmsanayn oo ay jiraan shakhsiyaad u dhigaya inu yahay Sharwayne Qaran oo loo wada dhanyahay halka kuwo kalena ay u arkaan shir wada tashi oo mucaaridku ka yeelanayaan marxaladdan adag isla markaana xasaasiga ah ee dalku marayo. Waxa muuqata in aan Shirka ajandihiisa, ujeedoyinka laga leeyahay iyo kuwa laga kala leeyahayba, iyo weliba natiijooyinka laga fili karayo inay shirka ka soo baxaan aan midna la isla meel dhigin ama aan la qeexin.

Waxa kale oo iswaydiin leh cida gacanta ku haysa maaraynta hawlaha shirka oo ay durbo muuqato in aan loo sinayn taladuna aad moodo in meel gaar ah laga hagayo.

 

Sida daraadeed kama fursan karto inta aan hore loogu sii socon in si mug leh la isula qaadaa dhigo shirkan arimihiisa oo dhan si looga hortago inu muran ka dhex dhalin karo mucaaridka iyo xisbiyada gudahooda”.

 

Wa Bulaahi Tawfiiq

Cali Maxamed Yussuf

Ku Simaha Gudoomiyaha

xisbiga UCID