“Xisbiga Ucid Noqon Maayo Xisbi Loo Sadqeeyo Kulmiye Si Uu Mar Labaad Usoo Baxo Kulmiye”Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

0
704

Musharaxa jagadda madaxwayne ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalku maanta marayo, iyo waliba doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sanadka 2017.

Sidoo kalena aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Waxa uu sheegay inay ka go’an tahay masuuliyiinta UCid Inuu sanadkan ku guulaysto xisbiga inuu hogaamiyo taladda dalka isagoona xusay inuu xisbiga laba doorasho oo hore uu guuldaraystay waxaana uu yidhi

“Sidaad ogtihiinba xisbigu laba doorasho oo hore oo uu soo galay una tartamay hoogaaminta talada dalka wuu  guul daraystay oo wuu dhacay, maanta waa jaaniskii ugu dambeeyay waxaana la eegayaa sida uu uga gudbo waxaana la doonayaa in Xisbigu soo boxo oo uu guulaysto,dad badan ayaa xisbiga maskax iyo awood badan galiyay dad badan ayaa hantidoodii u huray in Xisbigu soo boxo oo maal badan galiyay oo maanta u hanwayn oo doonaya in uu soo boxo oo dalka is bedel ka dhoco, mar kasta meel shaqo ka socoto waa la isku dhacayaa oo waa la is qabsanayaa laakiin muhiimaddu waxay tahay in danta Xisbiga laga wada midaysnaado oo laga wada shaqeeyo oo dhan wax loo wada wado”,

Sidoo kalena waxa uu Jamaal Cali Xuseen ka hadlay khilaaf la sheegay inuu soo kala dhex galay isaga iyo Gudoomiyaha xisbiga Eng Faysal Cali Waraabe waxaana uu yidhi

“Aniga iyo Faysal wax dhibaato ah oo naga dhex taagani ma jirto laakiin waxaa jirtay in marar badan warbaahinta la iskaga jawaabay taasina imika way soo dhamaatay.maanta waxaa la gaadhay sidii aanu u midayn lahayn dadka ee aanu xisbiga soo bixidiisa uga shaqayn lahayn hawlo badana way  noo yaallaan.”ayuu yidhi Musharax Jamaal Cali Xuseen.

Jamaal Cali Xuseen isagoo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu  ka jawaabaya su,aal laga waydiiyay Musharaxnimadiisa oo uu hadal galiyay Guddoomiye Faysla Cli Waraabe sheegayna in shirwaynaha golaha dhexe yeelanayaan lagu dooranayo cidda u tartamaysa jagadda madaxwaynaha ee xisbiga waxaana uu yidhi.

“Horta haddii uu Musharaxnimadayda hadal galiyo Faysal taasi waxay ka dhigan tahay anigoo anna Guddoomiyenimadiisa hadal galiya oo idhaahda Guddoomiye Faysal maaha,Xisbiguna sharci ayuu leeyahay oo uu guddoomiye ku yahay,meeshana xoog laguma haysto oo “digteetar ship” maaha waa Xisbi Dimuquraadi ah. Markaa aniguna waxaan hoggaaminayaa musharixiinta isna wuxuu hoggaaminayaa xisbiga oo sidaas ayaanu heshiis ku galay,sidaas ayuu xeerka Xisbigu ku dhigan yahay anigana gole dhexe ayaa la igu ansixiyay ee qof iimuu keenin.suuqana iskamaanu helin oo meeshu maaha muqaaxi Xisbi weeyaan. Xisbiguna waa Xisbi Qaran oo Jamaal iyo Faysal-ba ka wayn oo umad ayaa leh oo waa xisbi qaran oo la wada leeyahay,markaa waxaa waajib ah in laga wada shaqeeyo danta Xisbiga oo meel looga soo wada jeedo.”

Mar Aqoonyahan Jamaal Su’aal laga  waydiiyay Muranka isaga iyo Faysal ee soo noq noqdaa haddii uu dhamaan waayo waxay ay yelayaan ayaa waxa uu ku jawaabay.

“Horta wakhtiba iminka noomuu hadhin oo doorashooyin ayaa la gelayaa markaa haddii ay taasi soo noq noqoto waxay taasi keenaysaa in Xisbigu talo isugu yimaaddo oo la is xisaabiyo oo Guddoomiyaha iyo aniga iyo dhamaan Xisbiguba isu yimaado oo la is waydiiyo yaa xisbiga soo saaray ee wax u taray, yaa xisbiga dhibaato ku ah oo dhabarka ka jabinaya markaana tallo qaran oo xisbiga ah ayaa layskugu imanayaa”Sidaas ayuu yidhi Jamaal.

Gabagabadiina aqoonyahana Jamaal Cali Xuseen Ayaa carabka ku dhuftay in xisbiga talada dalka haya ee kulmiye uu faro galin qaawan ku hayo xisbiga ucid isagoona ka dhawaajiyay inaanu xisbigu u burburayn faragalinta ay kulmiye ku hayaan xisbiga Ucid Waxaana uu yidhi.

“Horta Xisbiga UCID noqon maayo Xisbi loo sadqeeyo KULMIYE si uu u sii jiro oo uu u soo boxo mar labaad ,Xukuumadda iyo KULMIYE-na  faro galin badan ayay nagu hayaan oo gacanta ayay nagula jirtaa laakiin waxaan u sheegayaa in aanu Xisbiga UCID noqonayn Xisbi loo sadqeeyo KULMIYE si uu mar kale u soo boxo oo uu u sii jiro.”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here