Xisbiga Talada Dalka Ethiopia Haya Oo War Ka Soo Saaray Iscasilaada Ra’isal Wasaare Hailamariam
Gudida Fulinta ee Xisbiga Xukuma Dalka Ethiopia ee EPRDF ayaa ku dhawaaqay in ay istiqaalada ka ogolaadeen Ra’isal Wasaaraha wadankaasi oo maalintii shalay ahayd ku dhawaaqay in uu iska casilay hogaanka xisbiga iyo waliba xilkii ra’isal wasaarenimo.
madaxa xafiiska xisbigaasi Shiferaw Shigute, oo u waramay wakaaladda wararka ee ENA ayaa sheegay in fadhi ay yeesheen guddida Fulinta ee xisbigaasi ay ra’isal wasaaraha kaga ogolaadeen istiqaaladda uu soo gudbiyay.
Hailemariam ayaa noqonaya Ra’isal Wasaarihii ugu horeeyay ee taariikhda wadanka Itoobiya ee iska casila xilkii uu ka hayay xukuumadda iyo waliba xisbigaasi.
in kasta oo ay gudida fulinta ee xisbiga EPRDF ay ogolaadeen iscasilaada Ra’isal Wasaarihii wadanka, hadana waxa u hadhsan fadhi ay yeesheen golaha dhexe ee xisbigaasi iyo barlamaanka wadanka Itoobiya, hasayeeshee ilaa iminka Hailemariam ayaa sii ahaan doona Ra’isal Wasaaraha wadankaasi.
Shiferaw ayaa dhinaca kale cadeeyay in aanay jirin Dhibaato xisbiga Iyo Dawladaba kaga iman karta Iscasilaada Ra’isal Wasaarihii dalkaasi.