Xisbi Xaakimka Somaliland Oo Ka Jawaabay Eedo Uu Guddoomiye Cirro Xukuumada Ujeediyay
Hargeysa (Halsan):-Hoggaanka xisbiga midnimada iyo horumarka Somaliland ee KULMIYE, ayaa si kulul uga jawaabay eedo uu guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) maalintii shalay ku weeraray madaxweyneyaashii xisbiga KULMIYE kasoo jeeday ee talada dalka u kala dambeeyey, isla markaana uu ku duray heshiiska maal-gashi ee saddex-geesoodka ah ee lagu horumarinayo marsada Berbera.
Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Mudane Jaamac Ismaacil Cige(Jaamac Shabeel) oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay gudaha caasimadda Hargeysa, ayaa hadalka kasoo yeedhay guddoomiyaha xisbiga WADDANI ku sheegay mid xaqiiqada baalmarsan, isla markaana lagu dhaawacay sharafta iyo karaamada madaxweynihii hore ee dhawaan
ka degay talada dalka, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) iyo madaxweynaha haatan xilka haya, mudane Muuse Biixi Cabdi.
Ugu horrayn guddoomiye Jaamac Shabeel, waxa uu bulshada si qoto dheer ugu faahfaahiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray heshiiska lagu maalgelinayo marsada Berbera iyo doorkii lama illaawaanka ahaa ee guddoomiye Cirro ku lahaa meelmarinta heshiiskaas, maadaama oo uu ahaa guddoomiyaha golaha wakiillada, isla markaana uu guddoominayey fadhiyadii kala duwanaa ee goluhu kaga doodayeen heshiiskaas, ugu dambayntiina ku ansixiyeen, waxana uu yidhi, “ Guddoomiye Cirro waxa uu yidhi, ma jiro wax heshiis ah oo xukuumaddu hor keentay Golaha Wakiillada, heshiiska dekedda Berbera-na waxa uu sheegay inay wada galeen Somaliya iyo Imaraadka Carabtu ee aan Somaliland wax heshiis ah lala gelin. Waxaan la wada soconnaa in xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ay Golaha Wakiillada oo uu Guddoomiye ka ahaa Guddoomiye Cirro u gudbisey taariikhdu markii ay ahayd, 9/08/2016, heshiis ku saabsan maamulka Dekedda Berbera, golaha wakiilladuna isaga oo gudanaya waajibkiisa ku cad Dastuurka Qaranka qodobka 53, xubintiisa 3-aad, waxa uu dood ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiiskaasi. Guddoomiyihii Golaha Wakiilada ee xilligaasi, oo ahaa Cabdiraxmaan Cirro waa ninkii doodda, golaha wakiilada qaybinayey, isagoo cod geliyey oo u yeedhiyay golaha habka ansixinta loo marayo, go’aankii Golaha oo uu isagu saxeexayna waxa uu u gudbiyay Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland ee hore Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland ee hadda joogaa Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu fulinayaa heshiiskii ay ansixiyeen golaha wakiillada ee Cabdiraxmaan Cirro guddoomiyaha ka ahaa.Haddaba waxa nasiib-darro ah in Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu maanta ku eedeynayo labadaa madaxweyne ee u kala danbeeyey Somaliland heshiiska dariiqaa cad ee sharciga ah soo maray.”
Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Mudane Jaamac Ismaaciil Cige, isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu hoosta ka xarriiqay in eedaha uu guddoomiye Cirro huwiyey heshiiska maal-gashi ee marsada Berbera uu xaqiraad ku yahay golihii uu muddada dheer soo hoggaaminayey ee codka aqlabiyadda ah ku meelmariyey heshiiska, isla markaana uu heshiiskaasi ahaa mid aan cidna ka qarsoonayn oo fagaareyaal cid waliba goob joog ka ahayd lagu kala saxeexday, “Eedaynta uu maanta samaynayo Guddoomiye Cirro waxa ay xadgudb sharci iyo xaqiraadba ku tahay Golihii uu hoggaaminayey ee aqlabiyadda ku ansixiyay heshiiskan, waxana cad in Mudane Cirro dafirayo heshiiskaa dariiqa dheer ee sharci soo maray ee uu xog-ogaalka ka ahaa. Guddoomiye Cirro waxa uu eeddiisa daliil uga dhigtay hadalkii Wasiiru-Dawlaha arrimaha debedda ee Imaraaadka carabtu ku sheegay waraysigii Idaacadda BBC laanteeda afcarbiga, haddaba, waxaannu Guddoomiyaha WADDANI xusuusinaynaa in Somaliland ay tahay qaran madax-bannaan oo si iskeed ah Imaraadka Carabta ula gashay heshiiska dekedda Berbera kaas oo aan marna u dhicin si qarsoodi ah saxaafadda caalamkuna soo bandhigtay, kana cadhaysiiyey dhammaan inta neceb guulaha iyo horumarka Somaliland,” ayuu yidhi guddoomiye Jaamac Shabeel.
Mudane Jaamac Shabeel, waxa uu su’aal geliyey, isla markaana bulshada la wadaagay sababaha keena in guddoomiyaha WADDANI mar walba la safto maamulka Muqdisho oo caadaystay carqadaladaynta horumarka Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka hor imaanshaha guulaha qarankani gaadho, waxana uu intaas ku daray in dacwaddii uu dhawaan Maamulka Muqdihso ka gudbiyey heshiiska Maal-gelinta Berbera uu muujinayso sida aanay marnaba Soomaaliya wax lug ah ugu lahayn heshiiskaas, waxana uu yidhi, “Waxaad ogtihiin in guddoomiye Cirro marka ay timaaddo arrimaha horumarinta iyo tallaabooyinka caalamiga ah ee Somaliland hore u qaaddo uu la mawqif noqdo ama is barbar taago Maa