Xisad u dhaxeysa Ciidamada Ahlu Sunna iyo Ciidamo ka amar qaata Liibaan Madaxweyne oo ka taagan magaalo ka mid ah Dalka aynu Jaarka nahay ee Somaliya ..

0
605

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ee dalkaa somaliya ee aynu jaarka nahay, ayaa sheegaya in maanta xiisad u dhaxeysa ciidamo ka amar qaata Ahlu Sunna iyo Ciidamo kale uu wato Sargaa lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne ay ka taagan tahay Magaalada Dhuuso Mareeb.

Xaafado katirsan magaalada Dhuuso Mareeb ayaa laga dareemayaa xiisada u dhaxeysa Ciidamada Maamulka Ahlu Suna iyo ciidamo u Milatariga Soomaaliya uu horey ugala goostay Liibaan Madaxweyne oo kamid ahaa Saraakiisha ciidanka Milatariga ee ka howlgalayay Gobolka Galgaduud.

Warar la helayo ayaa sheegaya in masuuliyiinta maamulka Ahlu Sunna ay ku amreen Liibaan Madaxweyne in uu maamulkooda kusoo wareejiyo ciidamada iyo hubka uu heesto, hasa ahaatee waxaa amarkaasi kasoo horjeestay sargaalkan horey uga goostay Ciidanka Dowlada.

Magaalada Dhuuso Mareeb waxaa ka socdo kulamo ay leeyihiin masuuliyiinta iyo saraakiisha Ahlu Sunna Waljameeca oo looga arinsanayo xiisada taagan iyo sidii looga baaqsan lahaa in ay isku dhacaan labada ciidan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here