Xirsi daayoo Silaanyo abtigii Abdo Aayar ba ka socoy by Abdi Mustafe

0
802

Abdo Aayr waxa dhashay Silaanyo inaadeertii ruma oo Silaanyo abti buu u yahay. Abdo Aayar waa ninkii awgii badha saabada la isugu bedelay sabab tuna ahayd waxa gobolka togdheer ka jiri-jiray arin suna ah oo ahaa HY iyo HJ in midna mayor ahaado midna Badha saab ahaado. Waxa dhacday iyadoo Badha-saabku HJ yahay in Silaanyo Burcao u soo magacaabay Abdo Aayar oo isla beesha HJ ka soo jeeda. Dabeed buuq badan baa ka dhashay oo arinkaa HY wey diiday iyagoo ku doodaya taariikhda in aanay ceelka Burcao ka dhicin in Mayorka iyo Badhasaabka ay qolo wada qaadato. Dabeed madaxtooyadi dub ay isugu noqdeen waxay u arkeen in laga gar joogo oo Abdo Aayar aawadii ayaa badha saabada isku shaan dhayn loogu sameeyey oo isna loo bedelay Borama. Hase yeeshii sunihii kumay shaqeyn oo badhasaab aan reerka kale ka soo jeedin baa la keenay. Isku soo xoori kol hadii Abdo Aayar oo Silaanyo abti u yahay iska casiley xilkii oo weliba la hadal hayo lana hubo in uu xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ku biiri doono waxa muuqata in Silaanyo iyo saaxiibadii iyo ehelkii ay kaga tegeen cilad ah in xukunkii ay gacanta ku heyso marwo Amina Weris oo wax bul-qaasay sa. Silaanyo Abdo Aayar ba ka socay ee ma cid kale ayaa ku hadheysa. Xirsi baa ka horeeyey oo ilaa iminka aannu Silaanyo rumays nayn in wasiir Xirsi is casilay. Denbiga dalka ka dhacaya lama wada laha ee waxa hore iyo dub ba rogay Somaliland Amina Weris iyo qoom ay wadato oo Morgan ka mid yahay.

Abumustafe123@gmail.com