“Xildhibaanadda Wasiir Xaglo-toosiye Aflagaadeynayaa Waxay Ka Soo Horjeedaan In Gobollada Sool Iyo Buuhoodle Doorasho Ka Qabsoonto” Waxgaradka Reer Buuhoodle

0
609

 

Hargeysa (Halsan)-Waxgarad Reer Buuhoodle ah oo iskugu jiray Cuqaal, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Waxgarad kale ayaa shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Huteelka  Ambassador ee Magaalada Hargaysa waxay naqdiyeen  xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada oo warbaahinta ku faafiyay  hadallo anshaxa ka baxsan oo ay wax kaga sheegeen Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise axmed Xaglo toosiye)  oo isagu dhowaan ku baaqay in diiwaan-gelinta iyo doorashadaba diyaar looga yahay Gobollada Buuhoodle, Sool iyo Sanaag-barri, isla markaana aanay dib u qaadanayn xildhibaanno ku yimaadda hanaanka is xambaarka oo ah qaabkii ay Golaha wakiilada ku soo galeen Xildhibaannada Goboladaasi kaga jira aqalka Wakiiladda.

 

Ugu Horaynba Cabdicasiis Ducaale Qambi oo ka mid ah aqoonyahanada Gobolka Buuhoodle ayaa shirkaasi jaraa’id  waxa uu ka sheegay in ay wax laga xumaado tahay in xildhibaanno ay ku aflagaadoodaan gudaha Aqalka madaxtooyada, waxana uu ku bogaadiyey Wasiirka Caafimaadka sida uu u ixtiraamay maamuuska ay leedahay xarunta Madaxtooyadu oo uu afkiisa uga xidhay Xildhibaanadaas oo ku aflagaadoonaya.

 

Md Cabdicasiis Qambi waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay Xildhibaan Dhakool oo hadallo aflagaado ah saxaafadda u mariyey Wasiirka caafimaadka, waxaanu  yidhi “Annaga oo ka kooban madax dhaqameedkii, waayo araggii iyo aqoon-yahankii Buuhoodle waxaanu ka fursan weynay inaanu wax ka dhinaahno waxii ay xildhibaanadu ka dhex sameeyeen qasriga Madaxtooyada, Waxaa ilaahay mahadii ah in Mas’uulkii Qaran (Xaglo Toosiye) ee dhankayaga ahaa, dhiigayaga ahaa uu u ciseeyey maamuuska qaranimada JSL oo aanu lug ugu yeelan aflagaadadaa xildhibaanadu ka dhex sameeyeen Gudaha Madaxtooyada.”

“Xildhibaan Baashe Maxamed Cadde ma markii horuu khaldanaa mise hadduu khaldan yahay , haddii uu diidan yahay oo ka dagaalamayo in diiwaan-gelinta la geeyo Sool iyo Buuhoodle, muxuu u sheegayey Axsaabta Mucaaridka ee uu dhaliilayay in diiwaan-gelinta deegaankiisa ay ka soo hor-jeedaan,”ayuu yidhi Mr. Qambi, waxaanu sheegay in   Reer Buuhoodle diyaar u yihiin Doorashadda iyo Diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo kaadhka jinsiyaddaba, Somaliland-na ay dhiigooda iyo Dheecaankooda ku samaysan tahay, dhulkooduna yahay Somaliland, isla markaana aanu is xambaar dambe jiri doonin arrintuna ay tahay  ‘One man One Vote.”

Caaqil Ciise Maxamed Aadan (Ciise Rawe) oo ka mid ah waxgaradkii shirka  jaraa’id  ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey ujeedada shirkooda  oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid ku saabsan dhacdadii aflagaadada ahayd ee ay Rag xildhibaanno ahi ku aflagaadeeyeen Wasiir Xaglo-toosiye.

“Ninkii ugu derejada sareeyey Madaxda Goboladaa Ka timid ee aanu is lahayn ha noqdo oday dadka isku wada oo tuullooyinka isku wada, oo diiwaangelinta qaybtiisa qaata oo  kuraas intan ka badan soo xero gelaya ayaa nasiib darro waxa uu Salaasadii sameeyey waxay ka dhigtay kurtinkii  bahalka la mooday, waxaanan leeyahay wuu ka soke dhacay halkii ay ahayd inuu hiigsado, aad baan uga xumahay waana u tacsiyadaynayaa Baashe laftiisa,”ayuu yidhi Caaqil Ciise Maxamed.

Caaqil Ciise Maxamed Aadan waxa uu sheegay in la iskugu tagay Wasiirka Caafimaadka, waxaanu yidhi “Haddii ay wada hadleen Gudoomiye ku xigeenka iyo Wasiirku ma ahayn in Xildhibaanka kale soo galo oo la soo safto ka halka habeen xiga, arrintasina waa mid dadka dareenkiisa kicisay, haddii ay dib u dhacdana meel fog tegi doonta. Iminkana taa hore lafteeda kama hadhayno, waana la wada ogyahay la safashadu  xeer bay leedahay oo xukun bay leedahay.”

 


“Annaguna haddii aanu nahay wax-garadkii iyo bulshadii Buuhoodle waxaanu ka war sugaynaa Xukuumadda,  Midda kale maxaa looga xanaaqayaa is xambaarka, Baashe iyo Dhakool iyo kuwa kale ee la mabda’ ahi waa is xambaar cid soo dooratayna ma jirto, haddii ay dadweynaha Gobolladaasi maanta is diiwaangelin waayaan oo doorashadda u tartami waayaan lama siin doono is xambaar dambe, Wasiirka caafimaadkuna wax-qabad buu muujiyey ummadda Reer Somaliland baana markhaati ka ah, qaban-qaabo ayuu gelayaa, hawshiisa ayuu qabsanayaa, dawladda iyo dadweynahaa ka raalli ah, doorasho iyo tartan buu diyaar u yahay, anaguna taageeraanu la dhinac taagan nahay,”ayuu ku dooday Caaqil Ciise Maxamed.

 

Shirkaas jaraa’id waxaa kale oo ka hadlay Duuliye sare Kornayl Maxamed Jaamac Dhul-qas oo ka mid ah Waxgaradka reer Somaliland ee gobolka buuhoodle waxana uu sheegay in beelihii Buuhoodle ee Colaaduhu dhexmareen sannadihii tegay la heshiisiiyey xiligana ay lama huraan tahay in looga gudbo marxaladii siyaasadda iyo maamulka si hore loogu socdo waxaanu yidhi  “Waa nasiib wanaag in waxgaradkii Reer Buuhoodle maAnta hortiina ka caddaynayaan in ay diyaar u yihiin diiwaan-gelinta iyo doorashadaba, is xambaarkuna waa mid aan dadkiisa waxba u qaban, dawladana waxaa looga baahan yahay inay dadka hawshaa hirgelinteeda diyaarka u ah ay wax la qabato oo taageero siiso.”

Aqoonyahan Cabdirisaaq Faarax Muuse Cawed oo ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaha Dalka oo qayb ka ahaa waxgaradkii reer Buuhoodle ee shirkaasi ka hadlay ayaa muujiyey sida ay bulshaDda Somaliland u kala fahamsan tahay ninka hogaamiyaha ah ee ummadiisa iyo qaranimadiisa u shaqaynaya iyo ninka doonaya inuu is xambaar ahaado oo ka horjeeda in dalku isu furmo oo dawladnimadu wada gaadho.