XILDHIBAAN XASSAN SHAHAR OO KA MID AH GOLAHA DEEGAANKA EE CAASIMADDA OO SHEEGAY INAY SANADKAN WACDARO KA DHIGI DOONAAN 25GUURADDA 18 MAY

0
651

Xildhibaan Xassan Shahar oo ka mid ah Golaha deegaanka ee Caasimadda oo sheegay inay Sanadkan Wacdaro ka dhigi doonaan 25guuradda 18 may
Xuska Maalinta 25 guuradda kasoo wareegtay dib ulasoo Noqoshadda Xornimadda Somaliland oo ku beegan Maalinta Arbacadda Soo socota ayaa si weyn looga Dareemayaa Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland oo ay Kaw ka Tahay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Diyaargarowgaasi oo Shacbiweynaha Somaliland ay si weyn ugu diyaar garoobeen Axsaabta Mucaaridka ah inta Taageerta ,Dawlad ,iyo Madax iyo mijaba Magaaladda Caasimadda ee Somaliland Waxaa abaabul weyn ka galay Marka Golaha xukuumadda ka Timaado Golaha Deegaanka ee Caasimadda sida uu iisheegay Xildhibaan Xassan Cabdi Cali Xassan Shahar oo shabakadda Gabileynewsonline.com kula xidhiidhay khadka Gacanta ee Mobaylka , wuxuu Xildhibaan Xassan Shahar noo sheegay inay Waaxdiisa Arrimaha Bulshadda iyo xidhibaanadda Kale ee Caasimaddu sida xildhibaan Cismaan Waxar iyo xildhibaanadda Golaha deegaanka oo isku duubani Wacdaro ka dhigi doonaan Sanadkan Xuska 18 may ee sanadkan .
Xildhibaan Xassan Shahar ayaa dhinaciisa u mahadnaqay Maayar Cabdiraxmaan Caydiid Soltelko oo uu sheegay inaanu la,aantii Wax badani aanay u qabsoomeen wada shaqeynta wanaagsan ee ay wada leeyihiin waxaanu ugu baaqay bulshadda Reer Hargeysa inay amnigooda adkeeyaan oo Gacanta laysku qabsado dhinaca Horumarka.
Xidhibaan Xassan Cabdi Cali (Xassan Shahar) ayaa ah Xidhibaan aad u Firfircoon islamarkaasna ah Xidhibaanka keliya ee Madal Hadhimo Sharafeed ku Casuumay Huteel Crown 300 ee dhalinyaro ee ka shaqeynayay Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo Kuwa ka Hawlgallayay Gobolka Gabiley Degmooyinkiisa kala duwan Arrintaasi oo aad u gees Martay Maamulkii Gobolka Gabiley iyo Xildhibaanaddii Gobolkaasi Gabiley.
Source: Gabileynews