XILDHIBAAN WALAALKII SHALAY LAGU DILEY MAGAALADA LAASCAANOOD OO KA HADLAY SIDA AY WAX U DHACEEN

0
628

Hargeysa(Halsan):-Dablay hubaysan oo aan la aqoonsan haybtooda, ayaa magaaladda laascaanood ku dilay nin shacab ah oo ay walaalo ahaayeen Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed (Dhakool) oo ka mid ah Golaha wakiilada Somaliland oo lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Axmed Maxamed (Carabeey), kuwaas oo aan la qaban oo ka baxsaday goobta isla markiiba.

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ah marxuumka la toogtay walaalkii oo wargeyska Saxansaxo khadka telefoonka kula xidhiidhay, ayaa ka waramay qaabkii ay wax u dheceen, waxaanuu sheegay in walaalkii la toogtay isaga oo salaad Cishaayi u sii gelaya masaajid ku yaalla magaaladda Laascaanood.

Maxamed Axmed dhakool oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Wuu dhintay ninkaasi oo xalay ayaa la dilay, ninkaas waa la dilay cid dishay la garanmaayo wax loo dilayna la garan maayo, waa uu gelayey masaajid oo salaad cishaa’I ayuu sii gelayey markii la toogtay oo kadinka masaajidka ayaa lagu doogtay oo xabad ayey six un ula dheceen, waxaanay ahaayeen sadex nin oo way baxsadeen illaa haddana lama hayo laman garanayo waxa ay ahaayeen” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool.

Cabdulaahi Maxamed Axmed, ayaa laga soo qabtay deegaanka Xidhxidh ee gobolka Sool, halkaas oo ay ka soo qabteen ciidamada Somaliland xilligaas oo la sheegay in uu ka mid ahaa kooxda Al-shabaab, waxaan lagu soo xidhay magaaladda Hargeysa oo uu muddo ku xidhnaa, balse markii dambe cafis loo fidiyay oo dhowaan laga sii daayey jeelka Hargeysa oo markii uu ku laabtay laascaanoodna la dilay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here