Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo walaac weyn ka muujiyay gudida wasiirada Siilaanyo ee laga war helay iyagoo…..

0
693

Hargeysa(Halsan):-Guddoomiyaha guddiga shuruucda, distoorka iyo xuquuqal insaanka ee golaha wakiilada xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo guddi golaha wasiirada ka kooban oo laga war helay iyagoo ka shiraya isu socodka Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in qorshahaasi yahay mid halis ah.

Xildhibaanka oo waraysi siiyay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Star Tv, wuxuu sheegay inay siyaasadda Somaliland hagaan ganacsato kooban oo uu sheegay in ujeedadoodu tahay dhaqaale raadin, “Boqol sannadood hadday gaadhayso qarankan la iibin maayo, waxaan idiin sheegayaa halka aynu maanta maraynaa waa meel halisa, waxa la doonayaa in la ina baro oo halkii aynu awal beerta ka lahayn in macaamiil caadi ah la ina caadiyeeyo, siyaasadda Somaliland ganacsataa wada, haddii loo baahdo waanu cadayn doonaa maalinteeda, koox iyo ganacsato gaar ah oo kooban weliba maaha ganacsatatoo dhanee oo dhaqaale uun ujeedadeedu tahay ayaa hoggaaminaysa. Waana digniin aan aad iyo aad uga digayo shacabkayga aan jecelahay.” ayuu yidhi xildhibaanku,oointaas raaciyay “Waxaan leeyahay Illaahay tan [xukuumadda] ha inaga furfuro oo sannadkaas nabadgelyo ha inagu dhaafiyo, waxaanan leeyahay shacbiyoow waad arkaysaan lix sannadood ayaynu maraynaa oo hoos ayuun baynu u soconaa.”

Wuxuu ugu dambayn farriin u diray wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, kana hadlaya guddiga wasiirada ee loo xil saaray isu socodka Somaliland iyo Somaliya, wuxuu yidhi “Wasiirka Sacad ee cusubna waxaan leeyahay waxaa lagaa filaayay siyaasad cad oo aad dalka ku hoggaaminayso oo siyaasadda arrimaha dibadda ah oo wada hadalada khusaysa oo baarlamaanka aad soo dhigtid oo la ansixiyo, lagaama sugayn shaqadaada ugu horaysaa inay noqoto inaad tidhaahdo waxaanu samaynaa is dhex gal iyo isu socod.”

Source: Qarannews