Xildhibaan Qabille Oo Sheegay In Dhakhso Maxakamadda Sare Loogu Gudbinayo Khilaafka Xisbiga Ucid

0
712

Hargeysa(Halsan):- Xildhibaan Maxamed Faraax Qabile oo ka mida mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa  War-murtiyeed ku qotoma dood sharci kaga hadlay khilaafka Xisbiga,isla markaana fariin culus u direy taageerayasha Xisbiga Ucid.

WARMURTIYEEDKA XILDHIBAAN QABILLE AYAA U DHIGNAA SIDAN:

 

“Ujeedo: Warqad furan oo ku socota Taageerayaasha xisbiga ucid ee gudo iyo dibadba

 

Sideedaba isqabadku (conflict) waa wax ku caadi nolosha inta aadamahu jiro, taasoo laga dheehan karo taariikhda faca wayn leh ee ay leedahay dunidu, hasayeeshee waxa uu ku kala duwan yahay dalalka iyo manadaqada uu ka dhaco kolba inta ay garashadoodu tahay, hanaqoto dhaqankooda, hanaankooda siyaasadeed,  iyo marba maskaxda ay ku furdaaminayaan wixii isku qabtaan.

ida  laga wada warqabaa horaantii bishii Oct. 2015, inuu khilaaf ka dhex dilaacay hogaanka sare ee UCID, saldhiga khilaafkaana loo tirinayay weedho iyo hadalo kasoo baxay guddomiyaha xibiga ucid faysal cali xuseen, taasoo dareen taban ku riday dhamaan taageerayaasha xisbiga ucid ee ku nool daafaha dunida iyo dalka gudihiisaba. Wajigii kowaad ee arinkaa wax maskax iyo muruqba isugu geeyay taageerayaal mug leh oo kasoo jeeda xisbiga ucid sidii loo furdaamin lahaa khilaafkaas taasoo lahayd laba waji:-

 

Waji Dhaqan ah oo ah saldhiga nabadaynta iyo isfahanka ay Somaliland caanka ku tahay loona huray waqti, hanti iyo ididiilo lagu soo dabaalo jawiga cakiran ee xisbiga ucid, waxa laxaadka u wayn lasaaray in wax laga ogaado dhinaca gudoomiyaha xisbiga ucid ee faysal cali waraabe, waxa mahadnaq mudan dhamaan xoogagii iyo taageerayaashii dadaalka badan u muujiyay ka midho keenka arinkaas haday ahaaeyeen Siyaasiyiin iyo Madaxdhaqameed labadaba doorkii ay ka ciyaareen daminta iyo xal u helida khilaafka xisbiga. Marka la eego mudada ay qaadatay oo dheeraa wax cadaatay dhinaca faysal inaanay ka suurta galin arintaas in lagu soo dabaalo jawi caafimaad qaba oo laysku soo horfadhiisto laguna xaliyo qodobada laysku hayo, arinkaasi wuxuu mar labaad sii laban laabay tuhunka iyo shakiga ku gadaaman kani adayga faysal. Xisbigani wuxuu ahaa xisbi fac wayn mar ka loo eego labada xisbi ee kale, kana soo qayb qaatay dhamaan geedi socodkii nidaamka xisbiyada badan iyo geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland waa xisbi ka dheregsanaa marxalada adage e Somaliland maanta marayso, waa xisbi lagaliyay xoog badan, dadaal maskaxeed mid maaliyadeedba Xisbigu waa hanta uu leeyahay qaranka Somaliland.

 

Waxaynu ogsoonahay in tiraba 3 jeer xisbigani khilaaf galay mar xaladan maanta la marayaana lays wadiiyo maxay kaga duwan tahay kuwii hore.

 

Ta koowaad waxa marka hore isku biiray laba urur garabkii xisbiga udub oo Jamaal hogaaminayay iyo garabkii ucid ee faysal cali waraabe oo markaas kasoo baxay khilaaf siyaasi ah oo adag, midawgii labadan urur waxa kasoo baxay heshiis sharciya lana mariyay nidaamkii xisbigu lahaa halkaana lagu ansixiyay musharaxa madaxweynaha xisbiga ucid iyo ku xigeenkiisa oo ka diiwaangashan dhamaan hay’adahii ay khusaynaysay sida Guddida diiwaangalinta ururada siyaasiga, komishan qaranka, Xeer ilaalinta guud ee Qaranka iyo Maxkamada Sare ee Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland. Hadaba Dhiiga cusub ee ay galiyeen garabkii Jamaal cali xuseen waxa ay keentay in tartankii golahaa deegaanka uu kusoo baxo kana mid noqdo saddeda xisbia qaran ee Somaliland, xisbiga ucid waxa uu codka uu kasuu baxay ka helay 21 degmo doorasho ee Somaliland kagana mid noqday saddexda xisbi miisaanka uu ku lahaa xisbiga ucid wuxuu Jamaal cali xuseen ka ahaa damalka la hadhsanayo, sidaa daraadeed xisbigani wuxuu ku yimid codkii iyo maal gashigii murashixiinta deegaanka iyo taageerayaashooda, ayaaha xisbigana cid wax laga waydiinayaa waa iyaga iyo musharaxiinta madaxweyne iyo ku xigeen ee hogaaminaysay. Teeramkii lagu doortay musharaxiinta waa ka maanta il-qaaday ilaa hadana may dhicin khilaafkaas in xisbigu si mug leh uga kulmo, khilaafkuna maaha khilaaf xisbi ee waa mid shakhsi oo ku santan gudoomiyaha xisbiga ucid faysal cali waraabe, kasoo dhaliyay inuu is casilo musharax ku xigeenkii xisbiga Cabdirashiid Xasan Mataan oo ilaa hada cid ka aqbashay aanay jirin marka laga reebo hadalo tuur tuur ah oo gudoomiyaha xisbigu kadaba tuuray.

 

Suurta gal ma ah in xisbigu si hawl yar u kala tago waxa la sameeyay baadhitaano mug leh oo salka ku haya halka uu ka socdo khilaafka xisbigu, sidaas darteed wax uu xisbiga diyaar u yahay in khilaafkiisa uu ku dhamaysto si waafaqsan sharciga Somaliland iyo nidaamka axsaabta siyaasada, dacwadiisana wuxuu u gudbin doonaa Gudoomiyaha Maxakamada Sare ee Somaliland sida ugu dhakhsaha badan, isagoo si dhisan u gudbin doona, dacwadiisa, looyaradiisa iyo wax walba oo dacwadiisu u baahan tahay si salka loogu dhigo sabatabixinta khilaafka loogana badbaadiyo xaalada uu maanta ku jiro. Waxaanu ku wargalinaynaa dhamaan taageerayaasha xisbiga ucid ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba jooga inaanay ku niyad jabin turunturooyinka siyaasadeed ee xisbiga ku socda ilaa inta laga sal gaadhayo niyad samina ay ku sugaan natiijada dacwada taasoo ay si mug leh uga qayb qaadan doonaan dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana ay u diyaar garoobaan marxaladan siyaasiga ah siduu uga gudbi lahaa xisbigu.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here