Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Dalka Kenya oo la amray in lasoo xiro

0
624

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa lagu amray in ay soo xiraan Xildhibaan katirsan Baarlamaanka dalkaasi , kadib markii uu Xildhibaanka kabiyo diiday in uu si iskiis ah uu hor yimaado Maxkamad kutaala magaalada Nairobi.

Xildhibaan Charles Nyamai , ayaa lagu soo eedeeyay musuq maasuq iyo in uu ku kacay wax isdaba marsi, waxaana Xildhibaankan kiis ka dhan ah loo Gudbiyay Maxkamad kutaala magaalada Nairobi, taa oo qortay Warqadii lagu soo xiri lahaa kadib markii uu diiday in uu hor yimaado Maxkamada.

Eedeemaha loo heesto Xildhibaankan la amray in lasoo xiro ayaa waxaa kamid ahaa inuu qaab laaluush ah ku qaatay badeecooyin ku kacaya lacag dhan 7 million oo shilinka Dalka Kenya, waxaa sidoo kale Xildhibaanka lagu soo eedeeyay dambiyo kale.

Xildhibaan Charles Nyamai, ayaa lau wadaa marka la xiro kadib in lasoo taago maxkamad qaadeysa kiiska dacwadaha loo hesto, walina lama shaacin xiliga ay dhaceyso Maxkamadeyntiia maadama uusan wali gacanta ugu jirin ciidamada booliiska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here