Xildhibaan Cali Mareexaan Oo Doonaya In Uu Majaro Habaabiyo Go’aankii Maxkamadda Sare Ku Soo Afjartay Xiisadii Ka Taagnayd Shirka Axsaabta Mucaaridku Ku Baaqeen

0
659

Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ka mid ah xubaha madaxtooyadda ee dalka ka wada Qaska ee hurinaayay xiisadii siyaasadeed ka dhalatay Shirkii Qaran ee axsaabta mucaaridku ku baaqeen in ay qabsanayaan ayaa u tafo xaytay sidii uu tafsiir qaldan uga bixin la’haa Go’aankii Dastuuriga ahaa ee Maxakamada Sare ee Somaliland ay ugu cadaysay Xukuumadda in sharcigu ogolyahay in axsaabta mucaaridku qabsan-karaan Shir Qaran ,isla markaana lagu laalay in ciidamadda amniga loo adeegsado ,Cabudhinta iyo ka horistaagidda shirarka ay qabsanayaan xisbiyadda mucaaridku.

Go’aankan ay Maxkamadda Sare soo saartay oo ay bulshadda Somaliland soo dhaweeyeen isla markaana Hambalyeeyeen ayaa Xildhibaankan Madaxtooyadda ka shidaal qaataa Qoraal uu ku baahiyay Websaydyadda ,wuxuu ku muujiyay sida aanu ugu faraxsanayn Go’aankan ka soo baxay Maxkamadda Sare ,waxaanu Qoraalkiisu u dhignaa sidan.

“Markii aan akhriyey go’aanka maxkamada dastuuriga ah waxaa iiga soo baxday in ay maxkamadu xoojisay go’aankii mudo kordhinta guurtida taas oo aanay malaha fahmin dadka qaar.

Waayo waxaa go’aanka ku cad in ay dalka ka jiraan golayaal qaran (xeer dejin, garsoor iyo fulin dhaqan gal ah kuwaas ayuunbaana dalka shir qaran ka qaban kara.

Hadaba ereyga golayaal dhaqangal ah ee maxkamadu adeegsatay wuxuu si cad u muujinayaa in aan sharcinimadooda muran ku jirin taas oo golaha wakiilada, guurtida iyo madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisuba ay ku fadhiyaan go’aankii mudo kordhinta guurtida. Maxkamadu waxay go’aamisay in ay golayaashu yihiin sharci dhaqan gal ah.

Hadaba xisbiyada mucaaradku ma odhankaraan golayaashu waxay ku fadhiyaan sharci daro hadii ay yidhaahdaana waa gef sharci oo ay mar labaad galeen.
Waxa kale oo maxkamadu kala xadaysay wixii heer qaran ah oo ay awoodooda iska leeyihiin golayaasha qaranka iyo wixii heer xisbi ah oo ay xisbiyadu u madaxbanaan yihiin. Xisbiyada go’aamadoodu waxay gaar u yihiin xisbiga gudihiisa laakiin qaranka laguma dabaqo.

Tusaale, dastuurada ay xisbiyadu samaystaan waxaa uu gaar u yahay xisbiga samaystay laakiin xeerka ay golayaashu soo saaraan waxaa lagu dhaqayaa qaranka oo dhan.

Sidoo kale shirarka ay xisbi ama xisbiyo qabsadaan waxay soo saari karaan wax ku sargo’an awoodaha heer xisbi ee sharcigu u jideeyey.

Sidaa darteed xisbiyada mucaaradku waa in aanay soo dhaafin xayndaabkooda sharci iyagana waa in la dhawraa xuquuqdooda. sharcigu siiyey.

mahad faarax

mahadfaarax2009@hotmail.com