Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Ka Hadlay Sababta Uu U Xidhay Mulkiilaha Hubsad iyo Tifaftiraha

0
633

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Ka Hadlay Sababta Uu U Xidhay Mulkiilaha Hubsad iyo Tifaftiraha

Hargeysa(Ramaas):- Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland ayaa sheegay in maxakamadda uu la tiigsanayo mulkiilihii wargeyska Hubsad iyo tifaftiraha wargeyskaasi. waxa uu sheegay inay soo saareen wargeys sharci darro ah, isagoo ku dooday in wargeysa uu qof kale magaciisa ku diwaangashan yahay, balse iyaga ayaa sheegaya inay iibsadeen.

Wariyeyaasha ayaa la horkeenay maxakamadda balse xeer ilaalinta ayaan soo dhammaystirin sababta, waxaanay sidaasi ku yihiin gar sugeyaal. waxa uu xeer ilaaliyuhu sheegayaa inaanu jirin nidaam sharci oo fasaxaya in la kala iibsado ruqsadda wargeys ama hay’ad kale oo warbaahineed.