Xasuuqii Siyaad iyo Xaalufinta Silaanyo!

0
645

Ummadan ku dhaqan boqcadan qaaliga ah ee carada Somaliland , waxay soo martay 50 kii sanno ee u dambeeyey mashaakilaad dhinacyo badan leh waxaa ka mid ahaa xasuuqii uu Siyaad bare u gaystay shacabkan ee uu soddonka sanno ku hayey, illaahay ayaa gargaar laga helay intaa kadib oo dagaal adag kadib waxaynu lasoo noqonay qaranimadeenii . cahdigii dib ulasoo noqoshada inteedii badnayd dalka waxaa ka jiray dib u dhis iyo dib u dejin hasee yeeshee todobadii sanno ee u dambeeyey ee lafilaayey in salka dhulka la dhigo oo dibed iyo gudaba isbedelaan tacabkii lasoo galayna midhiihiisii la calafsado. Waxaa yimid duufaan ay hogaaminayso dawlad dib jirtii qurbaha ku noolayd ee halkaa bilaa camalka ku ahayd la inooga dhigay wasiiro iyo madax kale.  Xaalufinta dalka ka dhacday ee aan xaga dambe ku sheegi doono waxaa sabab u ah ayaan qabaa Silaanyo iyo Casaabadiisa ku wareegsan iyo qoomkaa caydha ah ee dibeda inooga soo shaqo tagay DIBEDU HADDA WAA TII LOO SHAQO TAGI JIRAY! . hadda dalka oo la xaalufiyaa oo khayraadkiisa cagta la mariyaa waa shacabkii oo la xasuuqay waayo marka illihii dhaqaale ee kali ahaa la boobo waxaa ku xiga macaluul iyo wixii lamid ah . Dalkeenu malaha wax soosaar balse dadka qurbaha jooga lacagaha ay soo diraan ayaa inoo GDP ahaa oo GROSS DOMESTIC PRODUCT ku waa waxsoo saarka gudaha oo lagu daray waxsoosaarka muwaadiniinta dibeda oo laga jaray waxsoo saarka ajaanibka gudaha dalka. Haddaba , boqolka masuul ee xukuumada siilaanyo ma waxay noqdeen ajaanib?  Waayo, dhamaantood mushaarooyinkooda iyo waxay dalka ka boobaanba waxay u diraan dibeda waayo reerohooda ayaa halkaa lagu masruufaa waxa intaa dheer dhismayaasha ay ka binaystaan qurbaha oo iyadana aan lasoo koobi Karin.

Bal aynu maata soo qaadano magaalo xeebeedka Berbera ee Gobolka saaxil iyo lixdii sanno iyo dheeraadka ee cimriga Xukuumadan siilaanyo siday u dhaxal wareejisay hal-bowlayaasheedii dhaqaale oo ay lacag adag oo ay baananka dunida ku shubteen ugu badelatay halka dadkeedii kunoolaa magaaladaa berberina  ay ku dhex macaluulayaan. Bal ila milicsada tirada goobaha halbowlayaasha ahaa ee Maamulka Silaanyo iibsaday inta aan ka xasuusto : Warshadii Shamiitadii , Nec fish,Warshadii korontadii, Haamihii shidaalka, Ceel-garde iyo Dekedii caalamiga ahayd oo ah taa manta loo wada jeedo .laba libood may jirin Xukuumada siilaanyo markii ay hujuumeen goobtii u horeysay xarumahaa dhaqaale ee sare ku xusan ee ay xaraasheen. Waxaad moodaaba in muddo dheer laga fikirayey dhacdooyinkaa Berbera ka dhacay ,  waayo gobolkaa waxa ka dhacay iyo sida loogu tashaday ayaa mararka qaar aad is odhan kartaa colaad huursan iyo ciil horaa jiray!

Gabagabdii; waxaan soo jeedin lahaa, ummadan mar waa la xasuuqay mantana xaalufin ayaa ku socota ,oo dalkii khayraadkii uu lahaa waydin kaa arkaaya kolba afar oday ayaa shaashadaha lasoo fadhiisinayaa oo la leeyahay ka hadla oo taageera boobka aanu dalka ka wadno. Arinta Berbera oo ah isku daygii ugu dambeeyey , faraha ayaa lagaga guban doonaa markay carabtu halkaa soo cago dhigtaan. Carabta waxaan leeyahay haddii aad dalkayagan timaadaan wixii idin gaadha idinkaa isku gaystay , dalka qaranbaa leh ee qoys ma laha .

 

 

Waxaan ku boorinayaa shacabka  Somaliland guud ahaa inay ka dhiidhiyaan dhacdadan lagu iibsaday Dekedii kaliya ee dalku lahaa oo aan laga ogolaan boobka qoyska madaxtooyadu dalka kusii macasalaamaynayso iyo boqolka masuul ee ajaanibka ah ee boobka dalka ku haya hantidii ummadana  dibedaha ku shubta.

Wabillahi tawfiiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa, Somaliland