Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan ummada reer Somaliland Runtii Aniga oo ku nool magaalada Berbera, waxaan jeclaystay in aan qoraal, waxaana maqaalka igu dhaliyey in aan qoro markaan arkay xaalada uu dalkuu maraayo iyo Hogaan xumada inugu dhacday (mismanagement) waxaan qirayaa inay jirto xaalad ka baxsan hogaaminta umadadee sidaa awgeed bal aynu eegno Hogaamiyaha wanaagsan iyo astaamihiisa inaga oo waliba maadama oo aynu nahay dad Islaama ka eegayna dhanka Islaamka si aynu iskugu eegno Hogaamayaasha aynu haysano haday tahay ee Qaran oo ka koowaad ba,Degmoiyo Gobolba Astaamaha guud ee ugu muhiimsan unana caansan marka laga hadlaayo Hogaamiye wanaagsan,marka lagu eego aragtida Islaamiga ah waxaa ka mida:. 1) Waa inuu leeyahay Alle ka cabsi 2) Waa inuu amaanada loo dhiibay sideeda u ilaalin karo(Aamin yahay) 3) Waa inuu yahay cadaali intiisa 4) Dulqaad u tudhid 5) Naxariis iyo u danqasho u u danqanaayo dadkiisa raaciyaadka uh Intaa aynu sida guud u iftiiminay waa inaha ugu badan loo shardiyi karo lagana doonaayo hogaamiyaha wanaagsan marka laga hadlaayo aragtida islaamigaa (Islamic vision) Hadaba waxaynu is waydiinaynaa haddii hogaamaha wanaagsani uu ataamahan leeyahay hogaamiyeheenu ma leeyahay? Jawaab maya maadaama oo aynu arkayno In aanu hantidii u ilaalinayn umadii. Bal aan soo qaato G/saaxil iyo sida ay dawladii loo imaday in ay ilaaliso hantada qaran kuu sida ay boobka ugu hayso khayradka G/saaxil uu ilaahay dhigay waxaa dhacday oo aan cidna ka qarsoonay reer Somaliland in (nig fishkii) hore loogu wareejiyey shaqsi gaar ah in WERSHADII LAYDHKA iyada cid gaara lagu wareejiyey, WERSHADII SIBIDHKA , HAAMIHII KAYKA SHIIDAALKaa iyana sidoo kale lagu wareejiyey ashkhaas gaara , hadana waxaa shalay lagu dhawaaqay in la wareejiyey DEKEDII caalamiga ahayd ee dalkuu lahaa. Hadaba markaa ay dawladii loo doortay inay umada u ilaaliso hantida qaranku leeyahay ee ka dhaxaysa marka ay sidaa ay iyadu rabto u boobto ee ay dad gara kula heshiiso in ay waxii umad ka dhexeeyey ay ku wareejiso miyanay cadayn in( wax dhaafay aarsi siyaasadeed) oo ku waajahan guuud ahaan dalka gaar ahaa G/ gobolka , xasuuq siyaasaded iyo hanta boob. Runtii anigu waxaan arkayaa in dalka ay hogaan xumo ay ka jirto sida inoo wada cad. Hadaynu is waydiino waa kuma hogamiyaha xumi? Jawaab waa qof la siiyey mansab ama jago(position) lkn ku xad gudbay mansabkaa loo dhibay (Abuses the position). Hogaamiyaha xumi waa ka mansabkii umaduu u dhiibatay uga faaiidaysta danihiisa gaarka ah(His own self reasons) Hogaamiyaha xuni waxa uu caan ku yahay hanjabaad iyo ciqaab cida fikirkiisa ka soo hor jeesata(threats and punishment) Hogaamiyaha xumi waxa uu caan ku yahay xaq soor xumo (Bad judgment) Hogaamiyaha xumi waxa uu caan ku yahay in dadka uu maamulaa aanay ahayn dad si fiican is kugu xidhan (Poor commotion) Hogaamiyaha xumi waa mid had iyo jeer xanbaarsan aragti xun(Bad attitude) Waa mida had iyo goor dadka caafimaad qaba ee sida saxda ah u fikiraya qaadsiya niyadjab isaga oo sis are iyo si hoosaba u cadaadinaaya(Demoralized) Hada waxaa iska cad in ay ina haysato Hogaan xumo oo ay waliba inoogu darsameen qaar aan ka yaabay oo aan u bixiyey (kabaqaadayaasha) oo aan ee waligood dulmiga mooyee taageerin xaqa Waxaan leeyahay Hogaan xume dadkuu way kugu hongoobeen se waykaatashadeen. Bal hadaba dadka caamiyaha ee ka ba qaadayasha ah iyo inta ay duufsadaan inkastoo siday u daahiraan adagtay hadana dad nool lagama quustee aan wax uga iftiimiyo Ganacsiga gaarka loo leeyahay (Private sector) runtii ganacsiga gaar loo leeyahay waa waxa geliya ee mudan in laga ilaalyo wadamada dhaqaala ahaan aad ka u hooseeya Waayo iyaguu waa faaiido doon manaaha dad danka leh dal iyo dad toon Maxay ka qaban karaan shaqalaanta baahsan ee wadanka ka jirta haddii lagu wareejiyo? Jawaab waa waxba. Waayo? Maxaayeelay tooda ayay raacayaan“shaqaale jaban oo tirayar. Waa maxay public sector ? Waxaa la odhan karaa marka ay meel danguuda Dawladuu ah gacanta ku hayso sidii uu waajibkeedu ahaa waxaa loo yaqaanaa “public sector. Public sector hadddii ay dawladuu leedahay hogaamiye wanaagsan Waa ka ugu wanaagsan public sector ee aanay cidi cidka cigin isla markaa umada ugu shaqeeya macaash la`aan Mana aha macaash raadis. Hadaad ila fahanteen waxaan filayaa inaynu u baahanahay is bedel horle. Xasuuqa siyaasadeed ee gobolkuu dhanka kale waxa uu ku cad yahay Waxaad ka garanaysaa madaxda Gobolka qaar ka mida iyo qaabkay bulshada ula dhaqmayaan ay xilka u hayaan waxaad odhanaysaa waa loo soo miidhay si loo sameeyo cabudhin dadka gobolka . Bulshoy is bedel horle waa inaynu raadsanaa oo farteenaa inoo haysee haddii alle ogolaado. Balanteenu waa is bedel raadis. Qalinka Rabow ii toosi Qalinkaygow ha liicin Qalinkaygow la dagaalan dulmiga iyo Qaladaad ka dadkaaga iyo dalkaaga lagu hayo Qore :
Aqoonyahan Ismaaciil C/laahi Cilmi(Ismaaciil Dheeg)
Allaa mahad leh dhamaanteed