Xarunta Baarlamaanka Dalka Ciraaq oo Xoog lagu qabsaday + Sawiro

0
721

Dad cadhaysan oo u badan taageerayaasha Wadaad diimeedka Shiicada ee Moqtada al-Sadr, ayaa maalintii shalay waxa ay xoog ku galeen aaga sida weyn loo ilaaliyo ee loo yaqaan ”Green Zone”, .

Dibad baxayaasha oo Shiico ahaa ayaa waxa ay isku dhaceen ciidamada amaanka ee ilaalinayay aaga Cagaaran iyo waliba ciidamada ka hortaga rabshadaha, waxa ayna dadkan ku guuleesteen in ay xoog ku dar daraan ciidamada amaanka.

Xarunta Baarlamaanka dalka Ciraaq ayey xoog ku galeen tagaeerayaasha Wadaadka Shiicada ee Moqtada al-Sadr, waxa ay dibad baxayaasha wateen dhagxaan ay la dhacyeen gaadiidka iyo sidoo kale ciidamada amaanka.

Sawiro iyo Muuqaalo lasoo bandhigay ayaa muujinaya in dibad baxayaasha oo ka cadhaysan Baarlamaanka dalka Ciraaq oo ka meer meeray in ay ansixiyaan Wasiiro la horgeeyay, waxa ayna dibad baxayasha ay gudaha u galeen qeybaha kala duwan ee xarunta Baarlamaanka iyaga oo wata calanka Ciraaq.

Waa markii ugu horeesay mudo sanado ah ay aagaasi xoog ku galaan dad dhigaya dibad baxyo, waxaana aaga xarunta Baarlamaanka kuyaala xarumo badan oo Dowlada leedahay iyo safaarado, waana aag si weyn loo ilaalayo amaankeeda.

zone_1 zone_2 zone_3 zone_4 zone_6 zone_6 (1)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here