hogankii usoo baxay
in loo hisho weeyaan
codka waan u huraynaa
hubaal weeye midhkaasi
hanbalyiyomslaaniyo
sharaf baan huwinaynaa
haween iyo cirooleba
adiguna haldoorow
hoo oo gudoon wacan
harti waan hubaayoo
kuu hure codkoodiye
ha ka baqan xagaygana
waxan nahay hal iyo nirig
haaneed wada jaqoo
hooyo wada dhashee
isku hayb ahoo
hiyigaaga taa geli
xaglo waa halyeey qaran
hanad weeye geesi ah
aan ka baqan halkiisoo
hamashana ka dheer tahay
hadh cad waa ninkii diray
qaar halyeeyo sheegtoo
hala aan taraynoo
dadka hurin,hurin u kala dhiga
hadafkiisu waa meel
horseed weeyey nabadoo
dadku inay heshiyaan
ooy cadaalad helaan
hadfkiisu waa kaas
wuxuu heegan uu yahay
dalka horumarkiisoo
hadal uu mar yidhi baa
marna aan halmaamayn
harwash ay ka wada tidhi
qaar hareero taagnaa
u horeeyo ina camay
hareeraha jaleeceen
halka aydin joogtaan
waa halkee yiraahdeen
hargeysiyo togdher ba
hugunkoodii uu kacay
hoolabeenta laga tumay
hawshiyo wax qabadkana
cusbitaalo hawl geli
hareeraha dalkoo idil
dawaa laga helayaa
hooyo dhimata laga waa
mid hadeedu gaadhoo
wedku uu haleeloo
hor ilaah u dhimatoo
looga yeedhay hoygeed
heda baajin maynee
hawshiina noo wada
halmataraha qaylshee
ku higooda nabadana
hdalkiisa dalabta leh
shacab kuma helaayee
hala qasanina idinkuna
idinkaa horseedkii
hilinkii wacnaa
hubaal hiigsanaayee
halkiinaa ka sii wada
waydiin hagaagiye
haw jawaabin hebedkiyo
kuwa hanan dadkoodee
haysan waayey xilkoodii
ee ku hungoobeen shacabkii
yusuf gr ..—- waa olada wasiirada ah ee aan u bixiyey ma haystayaal ee tvga ka hadla sida BOOBE markuu xilka hayeyna ahaa yes man
Yusuf Jama
basbaas1@hotmail.com