XAGHAYAHA XISBIGA KULMIYE EE GOBOLKA GABILEY AYAA BEENIYAY INAY DHALINYARADA DAGMADA WAJAALE KHILAAF SOO KALA DHEX GALAY WASIIRKA WARSHADAHANA AAN LAAGU YEEDHIN SI UU U XALIYO

0
679

Gabiley( Halsan) :-Xaghayaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Gabiley Ayaa Beeniyay Inay Dhalinyarada Dagmada Wajaale Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Wasiirka Warshadahana Aan Laagu Yeedhin Si Uu u Xaliyo

Maalmihii Ugu Danbeeyay Waxa Magaalada Wajaale Laga Soo Sheegayay in Dhilanyarada Magaaladasi Wadeen Kacdoono Ka Dhan ah  Xisbiga Kulmiye Taasina Loogu Yeedhay Wasiirka Warshadaha Si Uu Arinta Dhalinyarada Reer Wajaale Kaga Soo Horjeedsanayaan Xisbiga Kulmiye .

Hadaba Waxa Aan Wax Ka Waydiinay  Waxa Ka jira In Dhalinyarada Wajaale Maalmihii u Danbeeyay Ay Wadeen Sidii Ay Xisbiga Kulmiye Uga Diga Rogan lahaayeen,  Xog-hayaha  Xisbiga  Kulmiye  Ee  Gobalka  Gabiley  Mudane  Mursal  Maxamed  Odawaa  Oon  KHadka  Telephoneka  Kula  Xidhiidhney  Ayaa  Noo  Xaqiijiyey  In  Aaney  Magaalada  Wajaale  Iyo  DHalinyaradeeda  Toona  Ka  Aloosneyn  Wax  KHilaaf  Ahi,  Oo  Wasiirku  Arinkan  Isagu  Si  Gaar  Ah  Isaga  Watey  Waayo  Anagaa  Masuuliyiintii  Xisbiga  Ee  Gobalka  Ah  Mana Ogin  Waxaa  La  SHeegay  Iyo  Wax  Halkaa  Ka  Jira  Cidii  Yaddu  Waxaa  Ku  Sheekaynaysaa  Yadaa  Og  Halka  Ay  Ka  Keentey.

Marka  Aad  Tix-raacdo  Xogta  Dhabta  Ah  Ee  Aan  Ka  Helnay  Xog-hayaha  Xisbiga   Kulmiye  Ee  Gobalka  Gabiley  Mr.Odawaa  Ayaa  Si  Cad  Isu  Dul  Taagey  Shikigii  Laga  Qabey  Wasiir  Shacayb  Ee  Ahaa  Inuu  Ka  Danbeeyey  Qalalaasihii  Daraad  Ka  Dhacey  Magaalada Tog-wajaale  Taasi  Oo  La  SHeegay  Inuu  Isagu  Soo  Abaabuley  DHalinyaradii  Buuqa  Iyo  Carqaladeynta  Wadey,  Wasiir  SHacayb  Ayaa  Ka  Xumaadey  In  Wasiiro  Kale  DHagax-dhigaan  Isagoo  Jooga  Xarunta  Dam-damiska  Ee  Tog-wajaale,  Balse  Xaq  Uma  Laha  Inuu  Dhagax-dhigo  Waayo  Waa  Fidmo  Wade  Bulshadiisa  Xumaan  Ku  Beeraya  Utuna  Kala  Dhex  Dhigaya  Mana  Laha  Damiirka  Dadkaaga  Daryeel  Ha  Lagu  Daba-fadhiistee,  Markaa  Marwo  Zam-Zam  Iyo  Wasiirada   Kale  Wey  Uga  Dhaw  Yihiin  Magaaalada  Shaceyb  Waayo  Yagu  Xafash  Ma,aha  Dadka  Kala  Qaada  Oo  Jibsinba  Qiiq  U  Sawira.

Wasiirka  Wasaarada  Warshadaha  Somaliland  Shacyb  Ayaa  Ah  Marka  Laga  Sheekaynayo  Miisaankiisa  Kaliya  Nin  Suudhka  Iyo  Gaadhiga  Uun  Haya,  Oon  Hayn  Talo,  Tayo,  Iyo  Waliba  Horumar  Aan  Midna  Hayn  Mid  Naftiisa  Ah  Mooyaane,  Markaa  Taasi  Ta  Keentey  In  Magaalada  Loo  Soo  DHaafo  Oo  Waxba  La  Moodi  Waayo  Marka  Sooyaalka  Wasiirada  Gobalka  Soo  Marey  Laga  SHeekaynayo  Waa  Wasiirkii  Ugu  Horeeyey  Ee  Abid  Ugu  Liitey  Gabileyna  Soo  Mara,  Lama  Arag  Wasiir  Reer  Gabileya  Oo  Xanta  Laga  Qarsado  Ama  Layska  Garab  Maro  Oo  Magaalada  Laga  Soo  Muraadsado  Waliba  KHadka  Laga  Saarey  Oon  Baystayn  Lays  Kaga  Tirin.

Arinkani  Waa  Ka  Keenay  Inuu  Cadhoodo  Wasiirka  Saaqidey  Ee  Shacayb  La  Yidhaahdaa  Isaga  Oo  Talaabooyin  Xun-xun  Kaga  Hor   Yimidey,  Waxana  Sababey  In  Laga  Dhaco  Isagaa  Shakhsi  Liita  Ah  Oon  La  Siden  Karayn  Haddii  La  Aamino  Kuwa  La  Socda  Ayuu  Cuneyaa,  Markaa  Si  Wadanku  Nadiif  U  Noqdo  Waa  In  Dadka  Xun-xun  Laga  Tir-tiraa,  Ma  Qaldana  Groupka  Booska  Ka  Cidhiidhisadey  Jagada  Matalaada  Gabiley  Shaceyb,  Waayo  Uma  Qalmo  Kaliyaa  Waa  Inuu  Golahiisaa  Isaga  Jiraa  Oo  Uu  Musharaharka  U  Xaaadiraa  Cidna  Uma  SHaqeeyo,  Xukuumad  Uma  Kala  Dabaro  Arimaheeda.

Gabagabada  Waxaan  Odhan  Lahayn  Xukuumada  Horta  Soomaalidaa  Ku  Maah-maahda ( Beenaale  Maragiisuu  Fogeeyaa)  Shacayb  Isagoon  Marag  Loo  Doonin  Isagaa  Isu  Cadeeyey,  Waayo  Shaley  DHalinyaradii  Uu  Soo  Abaabuley  Ee  Hadlayey  Waa  Kuwii  Uu  Mudahraadkana  U  Abaabuley,  Yagaa  Afafkooda  Ka  Sheegay  Inuu  La  Kulmey  Dhalinyarada  Waliba  Uu  Kala  Kulmey  Arin  Xisbiga  Kulmiye  Ah,  Taasina  Waxa  Beeniyey  Inaaney  Jirin  Xog-hayaha  Xisbiga  Kulmiye  Ee  Gabiley  Mr  Mursal  Kaliyaata  Arinku  Waa  Kacdoon  Ka  Dhan  Ah  Dab-damiska  Uu  Isagu  Aloosey,  Markaa  Xukuumada  Waxaan  Leenahay  Ha  Ka  Qabato  Umada  KHaayinkan  Ciyaalka  Ee  Waliba  Isagoo  Caqli  Xun  Umada  Ku  Ciyaar  Is  Leh  Oo   Shabakaga  Hala  Dhaafiyo.