Halsan media hargeisa 28/08/2015 Aroos lagu qiimeeyay arooskii ugu wanaagsanaa ee Soomaaliland ka dhaca inta la ogyahay ayaa galabtii khamiista lagu qabtay magaalada Hargeysa. Arooska Mudane Cabdisalaan Cabdi Kooshin iyo Samiira Maxamed-Keyse Yuusuf Xaaji C/raxmaan ayaa go’aansaday in arooskoodu noqdo mid lagu farxo oo ka leexda jidkii aroosyada badankoodu qaadi jireen ee ahaa tumashada, hudheelada la kirayso iyo wax la mid ah oo denbi iyo khasaare mooyee aan wax kale laga faa’idi jirin
Arooskan ayaa ah kii ugu horreeyay ee lagu dabaaldego sadaqad bixin, wacdi iyo duco. Waxa kale oo ugub ahaa in arooskani ahaa mid la iska dhaafay xeedhooyinkii la raacin jiray aroosyada ee dhibka iyo xujada ahaa. Ehelka labada qoys ee Reer Cabdi Kooshin iyo Reer Yuusuf Xaaji Cabdiraxmaan iyo dadweynaha deggan Hargeysa ee arooskan ka qaybgalay ama maqlay ayaa si weyn ugu farxay qaabka aroosku u dhacay.
Arrintan ayaa ah mid ku dayasho mudan, waana cashar wax weyn u taraya qoysaska kale ee la yagleelayo iyo dhammaan da’yarta guur-doonka ah iyo ehelkooda.
Arooskan intii joogtay iyo intii maqashayba u ducaysay Ilaahay ha ka dhigo qoyskii adduunka iyo aakhiraba liibaana.
HALSAN MEDIA HARGEISA