Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobeey ayaa waxaa la gaarsiiyay tiro xabaal wadareedyo ah oo laga helay magaalada Sinjar ee dalka Ciraaq, halkaas oo dhowaantan laga qabsaday kooxda la baxday Khilaafada Islaamka.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobeey ee Geneva ayaa lagu sheegay in qubuuraha ay u muuqato in lagu aasay dad ay kooxda Daacish dishay.
Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu muujiyay in xabaalwadareedyadan ay sababaan in weeraro xun lagu qaado shucuubta muslimiinta Suniyiinta ah ee Ciraaq oo ay qaadaan ciidama maamulka dalkaasi.
Qaramada Midoobeey waxa ay ku baaqeysaa in dowladda Ciraaq ay baardho dhammaan rabshadaha ciidamadeeda lagu eedeeyay.
Illaa iyo hadda lama oga tirade maydadka Sinjar laga helay, laakiin UN waxa ay sheegeysaa in wararka xabaal-wadareedyada inay tilmaam kale u yihiin ficillada xunxun ee ay geysaneyso Daacish.
Meelaha ay weli kooxda maamusho, waxaa ka imaanaya eedo isdaba jog ah oo la xidhiidha afduub, qof nool oo la gubo, iyo dad madaxa laga gooyo.
Laakiin UN waxa ay sidoo kale ka walaacsan tahay faquuq gaar ah iyo tacadiyo oo lagu hayo muslimiinta suniyiinta ah ku nool deegaanada ay dib u qabsadeen ciidamada Ciraaq.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xoogagga kurdiyiinta iyo dowladda Ciraaq ay masuul ka ahaayeen burburinta hanti ay sunniyiin lahaayeen, sidoo kale xarag iyo dil sharciga ka baxsan oo ka dhan ah dadkaasi.
UN waxa ay ka digtay aragtida ah in Sunniyiinta ay taageersan yihiin kooxda la baxday Khilaafada Islaamka.
Waxayna sheegtay inay la mid yihiin qof kastoo ku nool dhulka ay kooxdaasi maamusho ee lagu qasbay inay u hogaansamaan amarada Daacish, raacayna si ay uga badbaadaan ciqaab ama dil.