Waa weedh kasoo baxday mid ka mid ah xubnaha isteerinka u haya ololaha Maxamed Samaale Kijaandhe ugu jiro loolanka musharaxnimada kulmiye. Xaallkeenu waa nin ba meel ku asqow!!!!. Waa cadaymaha inoogu filan Bisaylimada siyaasadeed iyo socod baradka hafashada iyada oo aan melba la isla gaadhin . mihnadkastaa waxay leedahay barasho, aqoon iyo xirfada kuu sahlaysa inaad dhib kasta oo kaa hortimaad si fudud aa uga talaabsato, haddise aanad aqoon u lahayn mihnada siyaasada iyo xayndaabkeeda waxaad noqonsaysaa mid mar walba ku dhex hafta …… wax waliba barasho leh……./ waxaanad ku dambayn doontaa uun …. Xaalkeenu waa ninba meel ku asqow.
Maxamed Samaale Kijaandhe waxaan kula talin lahaa ……. Inaad han yeelato waa wanaagsan laakiin ….. mar walba waxaa muhiim ah inaad dib isku qiimayso oo aad dib u qiimayso cida aad jeceshahay inaad la tartanto halka waxaa kaaga soo baxaya muqaal ah inaad saxantahay iyo inaad gudcur gudaysid…../ bal hadday goori goor tahay ee taladaa qaata…/
Waxaan kusoo afmeerayaa, ummadi waliba taariikh ayay leedahay ….inay ku xisaabtanto weeyi in dib la isku qiimeeyo waa lagama maarmaan in la isku ixtiraamana waa daruuri. Sidaasaa dalku horumar ku gaadhi karaa oo aynu horumar ku wada gaadhi…. Maxamed Samaale kijaandhow bal dib isugu noqda asqadaa bilowga ahi intayna idinla sii durkin…..!
Cabdirasaaq Askar
Hargeysa/Somaliland