Xaalad Argagax Leh Oo Ka Taagan Isbitaalada Magaalada Qaza

0
103

Xaalad Argagax Leh Oo Ka Taagan Isbitaalada Magaalada Qaza

Dhakhaatiirta Isbitaalada magaalada Gaza ayaa ka digay in kumannaan qof ay dhiman karaan sababo la xiriirta iyadoo si aad ah ay u hooseeyaan shidaalka iyo saadka aasaasiga ah xili isbitaallada ay buux dhaafiyeen dad dhaawac ah oo kumanaan gaaraya.

Falastiiniyiinta ku sugan magaalada go’doonsan ayaa ku dhibtooday sidii ay cunto, biyo iyo badbaado u heli lahaayeen ka hor duulaan la filayo in Israel ay ku qaado Gaza.

Todobaad duqeymo cirka ah oo ay wadeen ciidamada Israel ayaa dumiyay xaafado dhan balse waxay ku guul dareysteen in ay joojiyaan gantaalada ay Xamaas ku soo ridayeen Israa’iil.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 2,329 Falastiiniyiin ah la dilay tan iyo markii uu dagaalku qarxay, kuwaasoo ay ku jiraan 750 caruur ah

In ka badan 1,300 oo Israa’iiliyiin ah ayaa sidoo kale la dilay, intooda badan waa rayid lagu dilay weerarradii Xamaas ee Sabtidii hore, Qiyaastii 150 qof oo kale oo ay ku jiraan carruur ayay Xamaas qabsadeen oo la geliyey Qaza.

Dagaalkan ayaa noqday kii ugu dhimashada badnaa ee soo mara Israa’iil tan iyo 1973dii iska horimaadkii Masar iyo Suuriya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken uu ku laaban doono Israa’iil isniinta ka dib markii uu soo dhameystay socdaal xamaasad leh oo uu ku maray wadamo Carbeed kaasoo looga gol lahaa in looga hortago in dagaalku uu huriyo colaad gobolka ku fida.

Isbitaalada ku yaala Gaza ayaa la filayaa inuu ka dhamaado shidaalka laba maalmood gudahooda, taasoo halis galinaysa nolosha kumanaan bukaan ah, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan korontada ee Qaza kadib markii Israa’iil ay xanibaad adag saartay kadib weerarkii Xamaas.

Isbitaalka Naasir ee ku yaala koonfurta magaalada Khan Younis, ayaa qolalka daryeelka degdega ah waxaa ka buuxa bukaano dhaawac ah oo u badan caruur da’doodu ka yar tahay 3 sano jir sida uu sheegay Dr. Mohammed Qandeel, oo ah lataliye ka tirsan xarunta daryeelka xasaasiga ah.

“Waxaa jira 35 bukaan oo ku jira ICU kuwaas oo u baahan Ogsijiin iyo 60 kale oo sifeyn ah. Haddii shidaalku dhammaado, “waxay la macno tahay in dhammaan nidaamka caafimaadka la xiri doono,” ayuu yiri

“Bukaannada ayaa si joogto ah u yimaadda addimada go’an, gubasho daran iyo dhaawacyo kale oo nafta halis gelinaya. “Waa cabsi,” ayuu intaas ku daray.

Cisbitaalka Shifa ee magaalada Gaza, oo ah kan ugu weyn dhulka, ayaa sheegay in uu 100 mayd ku aasi doono xabaal wadareed si ay u noqoto tallaabo degdeg ah ka dib markii maydadku buux dhaafiyeen, iyada oo qaraabadu aanay awoodin in ay aasaan eheladooda..

Qaza waxa ay mar horeba ku jirtay dhibaato bini’aadantinimo taas oo ay sabab u tahay biyo yaraan sii kordhaysa iyo saadka caafimaad ee ay sababtay go’doominta Israa’iil oo sidoo kale jartay biyihii, taasoo ku khasabtay dad badan inay ku tiirsanaadaan ceelasha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here