Kacaanka Silaanyo waa kii Siyaad barre oon biyo is marin. Wiil saldhiga ku xidhan oo maxkamadu denbi ku wayday ayaa si xun loo jidh dilay oo nin ay Morgan ilmaadeer yihiin na soodhka qorkiga ku dooxay oo 18 qodob la tolay cid ilaa hada wax ka qabatay ninkaa gardarada wax ku dooxayna ma jirto oo waxa laga baqanayaa in Morgan oo ay ilmaadeer yihiin madaxtooyada la soo hadlo oo cidii faraha la gasha ninkaa la xidho ama shaqada laga eryo.
Wuxuu yidhi Abwaan Qassim yidhi: isma doorin gaal kaan diray iyo daarta kii galay. Maxaa kaga daalayaa kuwii nabad sugida ahaa ama bileyska u ahaa afweyne ayaa iminkana midna wasiirka arimaha gudaha yahay midna bileyska heystaa ee sidee bay wax isu bedeli karaan. Caruurta iyo dadka waalan ayaa garan karaya in aan wax is bedeli dhicin dadka miyirka qabana hadal kooda daa. Waaba xukuumadii der-derayd oo ogaatay in mudo gaabani u hadhay. Waxa dhawaan la arki iyagoo ku kaca waxaan cidina fileyn oo dadka nool nool bay ka kanacsan oo ay dibadaha u dhoofin. Aagaan ka buuxsada dhawaan ma arki doon taane.