Westgate Oo Dib Loo Furay

0
1026

westgage1westateNairobi(Halsan) :-Suuq yaraha ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi ayaa maanta si rasmi ah loo furay kadib weerarkii Al-shabaab ku qaaday ku sinnaan laba sanadood ka hor.
Kooxda Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Xaruntaasi waxaana ku dhintay 67 qof oo iskugu jira shaqaale iyo mulkiileyaasha dukumaadda Westgate, waxaanay xarunta haysteen kooxda shabaab 4 maalmood, iyadoo la sheegay inay markii dambena ka baxeen dhuun biyaha qaadda.

Subaxdii hore ee Sabtida ayay dad badan saf u galeen Dhismaha Westgate halkaasi oo ay ka socotay Munaasibad Badhasaabka Nairobi iyo mulkiilaha xaruntan ganacsi ku shaacinayeen furnaanshaha xarunta.
Qaar ka mid ah dadka halkaasi wax ka soo iibsaday ayaa sheegay in xaruntani ku caan tahay qiimo dhimista alaabooyinka sidaas darteedna alaabo qiimaha laga dhimay ay ka soo iibsadeen.

Waxaa wax laga bedelay ilaalada Westgate, waxaana Ciidanka ilaalada loo galiyay koodhadhka celiya Xabbadda,halka dadka aad loo baadhayay lana soo kordhiyay qalab baadhiseed oo lagu rakibay afaafka laga galo iyo Ey dareemaysa Hubka.

Alshabaab ayaa qaaday dhowr weerar kadib, oo uu ka mid yahay weerar ay ku qaaday Jaamacada Garisa oo ay ku dhinteen boqol iyo konton qof. Waxay weerarada kaga aar goosanayaan Kenya oo ciidamadeedu Somalia ku sugnaayeen tan iyo sanadkii 2011-ka.

Halsan Media Group

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here