Wefti Wasiirro Xukuumada Ah Oo Caynaba Gaadhay

0
676

Caynaba(Halsan):- wafti uu hogaaminayo wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Warancadde oo ay kuu weheliyaan wasiirka, madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka hawlaha guud Cali Marreexaan, iyo wasiir ku xigeenka wasaarada kaluumaysiga Maxamed Xaaji Aadan Oo ku guda jira safar shaqo oo ay maalintii shalay ahayd kaga soo anbabaxeen magaalada Hargaysa ayaa maanta gaadhay magaalada caynaba ee xarunta gobolka Saraar. Weftiga ayaa halkaasi u tagay nabadayn ku saabsan gobollada bariga Somaliland.

Waftigani xukuumada oo saaka ka soo anbabaxay magaalada burco oo ay xalay u hoyden ayaa intii aanay soo gaadhin magaalada caynaba waxa ay kormeer indha indhayna ku soo maray deeganada Qoryaalay iyo Waadama gooye. Halkaasi oo waftigu ay kula hadleen bulshada deegaanadaasi oo si diiran u soo dhaweeyey. Masuuliyiinta waftigani ayaa bulshada deegaanadaaasi ku amaanay dadaalkooda iyo waxa ay qabsadeenba,iyaga oo u soo jeediyey in ay halkaasi kasii wadaan isku duubnidooda iyo wada jirka ay muujiyeen.

Sidoo kale waftiga ayaa xadhiga ka jaray intii ay kormeerayeen dagmada qoryaalay dhisme dayr ah oo ay hirgaliyeen maamulka dagmada iyo dawlada hoose ee qoryaalay,waxaanay soo kormeeraan biyo xidheeno maamulka qoryaalay ka hirgaliyey degaankaasi.

Markii ay waftigu soo gaadheen magaalada caynabo ee xarunta gobolka saraar waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey, salaadiinta,cuqaasha,waxgaradka,dhalinyarada,haweenka iyo maamulka heer gobol iyo ka degmada, waxaanay masuuliyiintu mid mid u gacan qaadeen dadkii halkaasi ku soo dhaweeyey,

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaana ugu mahadnaqay bulshada reer caynabo soo dhawaynta qiimaha badan ee ay u sameeyeen.